Dowladda FS oo 4-Dal dadka ka imaanaya ka Mamnuucday inay Soomaaliya Yimaadaan.

Dowladda Federaalka  Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in aysan dalka soo gali Karin dadka dadka ka imaanaya dalalka Shiinaha, Iiraan Koofur Kuuriya iyo Talyaaniga.

War kasoo baxay Hey’adda Duulista rayidka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu mamnuucey inay dalka soo galaan muwaadiniinta iyo Ajaanibta ka imaanaya Afar dal oo uu saameeyey Cudurka Caronavirus.

Waxaa dowladdu ay sheegtay in tallaabadaan uga hortagayso cudurka CoronaVirus oo caalamka fara ba’an ku haya.

Waxaa shaqaalaha iyo howl wadeennada wasaaradda caafimaadka lagu war galiyay in ay dadaalkooda labajibaaraan sidii ay uga hortagi lahaayeen dadka a imaanaya dalalkaas uu saameeyay cudurku.