Corona virus:Allow adaa Naxariis badan ee Ummaddaada u naxaro.

Waa Cudur aad u fidayo, dhawaa iyo dheeraana la leeyahay Aduunkuu wada gaarayaa. Aduunku waa isku soo dhawaaday waa Tuulo yar oo kale.

isku imaadkii Goobaha Cibaadada, wax barashada, Ciyaaraha, Baararka iyo meela kale oo badan waa la mamnuucay.

waa khatar haddii Dunida uu ku sii fidayo, Safaradii waa la joojiyay. (F.S: 1,2, & 3aad). Haddii Dowladihii waaweeynaa ey Xuduudaha kala xirteen, Madaxdiina eynan Dadka toos ula hadli karin ( F.S: 4 & 5aad). Haddii dhakhaatiirtii ey bukaanka ka fogaanayaan ( F.S: 6 -9aad). Haddii Dukaamadii lagu qamaamay, keeydkiina la faaruqiyay. (F.S: 10-12aad). Haddii Dadkii la baqtin galiyay ( F.S: 13-34) Haddii Xayawaankii loo baqay ( F.S 35-37aad).

Alloow na mooti, Hala dadaalo, Dhakhaatiirteena iyo Ciidamadeena inta badan horaa Sanku ugu duubnaa ee Adinkuna bal dadaala.

Caalamka cuntadii waa gabaabsi oo waa la kala xareeysatay, Suuqii Lacagaha Aduunku hoos ayuu u sii socdaa, waxaa ka Faa’iidayo Taajiriinta iyo Hayadaha Lacagta leh oo Hadda qiimaha hoos u dhigayo, si Lacag badan oo ey raqiis ku heleen ey u urursadaan, Muddo kadibna ey isla Lacagtii qaal ku iibiyaan.

Siyaasiyiintu waxa ey uga faa’iideeysan karaan, in kharaj badan oo “emergency” ah oo aan hore Miisaaniyada ugu jirin loo isticmaalo ama Doorashooyinka dib loo dhigo inta badan Caalamka.

Ha hilmaamin Ducooyinkii Rasuulkeena Muxamed SCW uu na faray, haddii ey dhacaan Xaaladahaan oo kale.

“Qoom Musiibadood, waa Qoom kale Faa’iidadood”
ayaa la yiraa. kuwii musiibo ey u noqoto iyo Kuwii Faa’iido ka raadiyo ALLA nagama dhigo, ee kuwii ka badbaado ALLA ha naga dhigo.

Allaahuma Najinaa. Aamiin, Aamiin.

Qore: Yahya Amir