Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka wada deegaanada Galmudug.

Muqdisho:- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed Qeybta 21-aad èe Deegaanada Galmudug ayaa gaaray Deegaano ka tirsan Koonfurta Gobolka mudug.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Fariisimo Ciidan ka sameystay Duleedka Deegaanka Bacadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug,waxaana halkaa kusoo dhaweeyay Bulshada Deegaanadaa.

Socdaal Ciidanka ayaan faahfaahin laga bixin laakiin waxay qeyb ka tahay Qorshayaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku doonayso Xoraynta Dalka Meelaha ay Al shabaab ka joogaan.

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee hoggaaminaya ciidanka gaaray deegaanka Bacadweyne ayaan wali faah faahin ka bixin arrintaa,waxaa socda qorshe howlgal loogu qaadayo deegaanada maleeshiyada ku harsan yihiin.