Shir ku saabsan Ololaha wacyigalinta dib u eegista Dastuurka oo Dhuusamareeb ka furmay

Dhuusamareeb:-Shir ku saabsan Ololaha Wacyigalinta Dib-u-eegista Dastuurka ayna soo qabanqaabisay Wasaarada Arimaha Dastuurka Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta ka furmaya Magaalada Dhusamareb, waxaana ka qaybgalaya qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Culimaa’udiinka, Odayaasha Dhaqanka, Dhalinyarada, Haweenka iyo Warbaahinta.

Shirkan ayaa socan doona muddo Seddax Malamood ah, sida Jadwalka ku qoran waxaana la soo bandhigi doonaa Arrimaha galinta dib u eegista Dastuurka Soomaaliya, sidoo kalena waxaa la is weydaarsan doonaa Aragtiyada laga qabo Arrimaha Dastuurka.

Muddada Shirkani socdo waxaa ka qeybgali doonaa in ka badan 100 Qofood waxaana lala wadaagi doonaa Arrimaha Dastuurka iyo sida Bulshada loogu wacyigalinayo Dib u eegista Dastuurka.