Qaansada yaan Tooxa laga Badin!!!

Xilli adag ayaa lagu jiraa, danno badan oo is-diidan ayaa soconayo, awr kacsi siyaasaddeed ayaa muuqanayo, koox is af-taqaanno ayaa kaligood ruclo orod ku jirta, caqli aan shaqeyneynin ayaa Hotellada iyo guryaha qaarkood la wad-wadaa, habar wacasho qabiil oo aan daacad laga aheyn ayaa la arkayaa!!!

Dhawrkii tododobaad ee la soo dhaafay waxaa dhagaha ummadda Soomaaliyeed ku batey sheeko hal dhinac u rarran, qabiil hebel ayaa halkaan ku shirey, taageero qabiil ayaa la qabtay iyo ereyo la mid ah ayaa iska soo daba dhacayay, Soomaaliya waqtiga la joogo kama shaqeyneyso sida ay dadka qaarkood u fekarayaan.

Ma xuma in bulshadu isu timaado oo ay Aayahooda ka tashato, Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ayaa caddeynayo inay dadku xaq u leeyihiin inay fekeradahooda cabiri karaan, isla markaana ay ka wada arinsan karaan masiirkooda ummaddeed laakiin waxaa ayaan-darro ah in lala yimaado wax ka hor-imaanayo nabadda, wadajirka iyo Dawladdnimada lagu naaloonayo.

La yaab waxaa leh dad u badan “Baagamuundo Siyaasaddeed” inay maalin walba la soo taagan yihiin qabiil hebel ayaa kulmayo, akhyaarta uu hunguriga kaga jiryo inay ku Macaashaan magac qabiil ayaa waxay u badan yihiin siyaasiyiin la soo tijaabiyay oo intooda badan aan waxba u qaban qabiilka ay ku Awr-kacsanayaan, xaqiiqdii raggaasi iyo kuwa la midka ah ma ka gadmayaan bulshada dhexdeeda.

Fudeyd, Xanaaq, Danaystanimo, Sed bursi iyo wax kala qo-qob ayay intooda badan caan ku yihiin, taariikh fiican kuma laha qabiilka ay ku dhuumanayaan, gooni u daaq ayay shalay u badnaayeen, rag dantooda mooyee aan dan guud aqoonin ayay ahaayeen, waxaqabad lagu xasuusan karo ma laha, hubaashii waa qolo ka aradan dhinacyo badan.

Lama yeeli karo dad noocaas oo kale ah inay bulshada ku qaldaan xuquuqda qabiilkiina ayaa baadi goobaynaa, sheegashada kooxdaas waa been aan sal iyo raad toona laheyn, haatan haddii qaarkood fursaddo siyaasaddeed loogu baaqo dharraar cad ayay kala dhuumanayaan.

Akhyaareey, Soomaalinimada, Dhulka iyo Qabiilka aad ku danaysanaysaan waxa uu idin kala dhaxeeyaa ummad badan, sidaasi daraadeed ma haboona inaad ku qaraabataan miisaanka, magaca iyo sharafta ay leeyihiin dadka gogosha u ah Gobolka Banaadir!