Puntland oo amar ka soo saartay Qaar ka mid ah dharka la xirto si looga hor tago COVID-19.

Taliyaha guud ee ciidamada booliska Puntland Jeneraal Muxidiin Axmed Muuse oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa soo saaray amray cusub oo laga hirgelinayo guud ahaan deegaanada maamulka.

Taliye Muxiyadiin ayaa amar ku bixiyey in wixii manta ka dambeeya deegaanada maamulka Puntland aan loo iib geyn karin dharka nuuca loo yaqaano Huudheyda, isagoo ka dalbaday dad reer Puntland in aysan is ticmaalin dharkaas.

Taliyaha booliska Puntland ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid looga hor tegayo cudurka dunida kusii faafaya ee Coronavirus ama COVID-19.

“Go’aanka lagu joojiyay Huudheyda waa mid lagu ilaalinayo caafimaadka bulshada, waa in la qaataa awaamiirta laga soo saarayo ka hor tagga caabuqa Coronavirus, si looga badbaado cudurkaas, waa in la iska ilaaliyaa dharka lasoo isticmaalay ee Huudheyda.” ayuu yiri Jeneraal Muxyadiin Taliyaha guud ee booliska Puntland.

Caabuqaan Coronavirus kiisaskiisii ugu horeeyey ayaa laga helay saacado ka hor dalalka deriska la ah Soomaaliya, ee Kenya iyo Itoobiya, waxaana jirta cabsi badan oo ay qabaan dadka Soomaaliyeed, hase yeeshee cabsida dadka Soomaliyeed ay ka muujinayaan caabuqaan sabeynaya ee COVID-19, waxay kala mid yihiin guud ahaan dadyowga dunida oo inta uu san ku dhicin ay si weyn ugu baraarugsanyihiin.