Maamulka Hirshabeelle oo caawinaaya Kalluumeysatada Degmada Cadale.

Jowhar:-Wasiir ku xigeenka wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Xilbaan; Maxamed Xuseen Mooge ayaa sheegay in dhawaan ay agab Kalluumeysi ku wareejin doonaan Iskaashatooyinka Kalluunka ee Degmada Cadale.

Mudane; Maxamed Xuseen Mooge ayaa sheegay in ay Hay’adaha halkaasi ka how-gala kala hadleen sidii ay u caawin lahaayeen Kalluumeysatada Hirshabeelle, si ay u xoojiyaan wax soo saarka kheyraadka Badda.

Iskaashatooyinka Kalluunka ee Hirshabeelle ayaa horay ugu codsaday maamulka in ay Gacan ka siiyaan sidii ay u dar-dar gelin lahaayeen mihnaddooda Kalluumeysi.