Guddiga doorashooyinka oo markii ugu horeysay go’aan culus ka soo saaray caqabad soo food saartay (Maxaa soo kordhay?)

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka ayaa labalaabay howlihiisa tan iyo markii uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) saxiixay sharciga doorashooyinka kaddib markii ay meel mariyeen labada aqal ee golaha Baarlamaanka, wuxuuna war culus ka soo saaray caqabad soo food saartay.

Farriin uu soo saaray guddiga doorashooyinka ayaa waxa uu sharraxaad uga bixiyay labada heer ee uu sharci ku noqon karo xisbi, iyadoo heerka koowaad uu yahay diiwaan gelin KMG ah taasi oo ujeedadu tahay inuu isku diyaariyo sidii uu ku gaari lahaa heerka labaad ee diiwaan gelinta rasmiga ah.

Warbaahinta gudaha oo laga sii daayay farriinta guddiga doorashooyinka ayaa lagu sheegay xubnaha ka reeban inay xisbi sameystaan sida ciidamada, shaqaalaha Dowladda iyo diblomaasiyiinta.

Go’aanka cusub ee guddiga doorashooyinka ka soo baxay kuna saabsan xubnaha ka reeban inay xisbi sameystaan ayaa sida muuqata caqabad ku ah inta badan axsaabra tiradoodu kor u dhaafeyso 72-da xisbi ee iminka guddigaasi diiwaan geliyay.

Inta badan xisbiyada siyaasadda dalka waxaa asaasay amaba madax sare ka ah xubno horay xilal kala duwan uga soo qabtay dalka, gaar ahaan dhinacyada laga mamnuucay ka qeyb galka iyo ka mid noqoshada axsaabta siyaasadda dalka.

Dhinaca kale farriinta ayaa lagu muujiyay in xisbiga uu noqon karo mucaarad xor u ah inuu dhaliilo dowladda markaasi jirta iyo inuu kula xisaabtami karo madaxda hay’adaha iyo laamaha kala duwan ee xukuumadda.

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka waxaa kale oo uu war culus ka soo saaray caqabad ka heysata xakameynta xisbiyada siyaasadda ee tiro beelka noqday ee maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhaya.

Waxa uu sheegay si cad u sheegay inuusan jirin sharci xadidaya tirada xisbiyada siyaasadda ee dalka ka jira, iyadoo dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhigayo in qof kasta oo muwaadin ah sameysan karo xisbi siyaasadeed, hase yeeshee qodobkaan oo muhiim u ah yareynta xisbiyadda faraha badan isla markaana albaabka u soo xireysa in guddigu diiwaan geliyo xisbiyo cusub oo saf ugu jira inay helaan shahaadda aqoonsi ee uu bixiyo guddiga doorashooyinka dalka.

Dhinaca kale farriinta cusub ee ka soo baxday guddiga doorashooyinka ayaa ku soo beegmeysa xilli xisbiyada dalka ka jira ku midoobayaan hal xisbi siyaasadeed, iyadoo dhowaan dalka Turkiga uga dhawaaqeen inay hal xisbi ku midoobayaan ilaa 6-xisbi siyaasadeed oo iyagu ka tirsanaa madasha xisbiyada dalka isla markaana ay hoggaaminayaan madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

AKHRISO WARAR KALE OO XIISO LEH

Inta badan madaxda iyo xubnaha ka tirsan xisbiyadaan oo isugu jira xildhibaano Baarlamaanka federaalka iyo waliba kuwo ka tirsan Dowladda federaalka ayaa sheegay inay hal musharax ku yeeshaan tartanka kursiga madaxweynaha, hase yeeshee sida muuqata qodobka qeexaya xubnaha xisbi noqon kara ee uu soo saaray guddiga doorashooyinka ayaa caqabad ku ah qaar ka mid ah xisbiyada ka tirsan madasha.

Baarlamaanka Federaalka oo haatan ku jira fasax saddex bil ah, ayaa marka uu dib isugu soo laabto waxaa horyaalla qaraarro dhowr ah kuwaasi oo intooda badan khuseeya meel marinta shuruuc ku saabsan doorashooyinka dalka, iyadoo guddi baarlamaanka ugu xilsaaran dhameystirka dastuurka dardar geliyeen howshooda isla markaana kulamo wada tashi ah la yeelanaya madaxda dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka.

Somaliweyn Media Center (SMC)
Email: contact@somaliweyn.com
Muqdisho – Soomaaliya