Xasan Muudeey :- ”Warbaahinta qaranka si siman uguma shaqeyso beelaha Soomaaliyeed…”

Siyaasiga Xasan Cabduqaadir Muudeey ayaa aad ugu dhaliilay warbaahinta qaranka ay kashaqeyso cadaalad darro ku qotonta shirarka ay qabsadaan beelaha Soonaaliyeed oo aysan si siman uga hadlin.

Waxa uu farta ku goday safar ay Garoowe ku tageen wasiirro iyo Xildhibaanno kasoo jeeda Puntland oo ujeedka safarkoodu ahaa shar ay uga qaybgalayaan magaalada garoowe wada tashi uu ugu baaqay madaxweynaha puntland Saciid Cabdullahi Danni.

Xasan Muudeey ayaa bartiisa facbooka kusoo daabacay sidaan :-

“Cadaalad darro kaweyn majirto in Raadiyow Muqdisho uu daabici waayo shirkii Mudullood oo horay Muqdisho uga dhacay, halka shirka wasiirraddaan ay kaqaybgalayaan laga dhigayo mid qaran.

Waxa dalkaan kajira waa cadaalad darro kusiman Mudullood oo shirkii aan qabsannay waxaa nalugu sifeeyay in aan nahay ummad dhibaato ku ah qaranka,shirarka kale ee kasocda gobolladana waxaa loo aqoonsan yahay mid qeyb ka ah dowladnimada .

Dadkaad kasoo jeeddo waa dowlad diid, kuwa aan kasoo jeedana waa dowlad doon, halka ay qaanuunka uga qoran tahay bahda warbaahinta qaranka ayaa laga rabaa in ay jawaabteeda bixiso.

Hassan Abdulkhader Mudey