Ciidamada Dowladda oo saakay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wada Gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saakay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ay ka jiraan ciidamada Militariga DFS ee ku sugan Degmadaas.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda waxa ay sheegeen in dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan ay ugu golleeyihiin sidii loo sugi lahaa ammaanka Awdheegle iyo deegaanada kale ee hoostaga, sidoo kale Ciidamada waxa ay sameeyeen howlgalo miino baaris ah.

Awdheegle waxaa dhawaan booqday Taliyaha Ciidamada Dhulka Xoogga dalka waxaana saraakiisha halkaa ku sugan uu kala hadlay sidii ay gacanta ugu dhigi lahayaeen deegaanada kale ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Ciidamada Militariga DFS waxa ay xalay baaris ka sameeyeen Awdheegle oo habeen kahor uu ka dhacay iska hor imaad kooban oo dhexmaray ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.

Degmada Awdheegle oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaa gacanta ku haya Ciidamada Danab oo Al-Shabaab ka qabsaday sanadkii tagay 2019-kii, waxaana dhowr jeer tagay mas’uuliyiin ka kala tirsan DFS, Koofur Galbeed iyo saraakiisha sare ee Ciidamada.