Xisbiyadii ugu tirada badnaa oo Muqdisho uga dhawaaqay qorsheyaal cusub

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen madax, wakiilo ka matalayay xisbiyada siyaasadda dalka, xubno ka tirsan dalladda talo soo jeedinta, aqoonyahano iyo marti sharaf lagu casuumay ka qeyb galka shir wada tashi ah oo uu soo abaabulay Isbaheysiga xisbiyada siyaasadda Soomaaliya.

Ugu horeyn waxaa khudbad ku saabsan ujeedka shirka wada tashiga ah ka jeediyay Ex Xildhibaan Ibraahim Saalax (Dayfullah), xubinna ka ah isbaheysiga xisbiyada siyaasadda Soomaaliya wuxuuna ku dhawaaqay qorsheyaal cusub oo ay ugu diyaar garoobayaan sidii ay u xoojin lahaayeen midnimada xisbiyada ku bahoobay isbaheysigaasi.

“Dhowaan waxaan ku dhawaaqeynaa inaan yeelano hal xisbi iyo hal musharax” ayuu yiri Ibraahim Saalax oo ku booriyay xisbiyada siyaasadda ee ka tirsan isbaheysiga inay dib isku abaabulaan, wuxuuna tilmaamay qorshahani inay uga gol leeyihiin sidii ay doorkooda uga ciyaari lahaayeen doorashooyinka dalka ka dhacaya sanadka dambe.

Ex Xildhibaan Dayfullah ayaa ugu baaqay dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada inay heshiis degdeg ah ka gaaraan arrimaha doorashooyinka iyo qaabka ay dalka uga dhaceyso, taasi oo uu sheegay inay muhiim u tahay dadka iyo dalka isla markaana meel iska dhigaan khilaafyada yar yar iyo kala aragti duwanaanshaha.

“Dowladda federaalka oo iska leh mas’uuliyadda dalka waxaan ugu baaqayaa inay muujiso tanaasulaad badan, sidoo kalena maamul goboleedyada waa inay qaadaan tallaabo kasta oo dalka looga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah” ayuu yiri Dayfullah.

Guddoomiye Ku xigeenka madasha talo soo jeedinta Saciid Jaamac Cali (Qoorsheel) oo ka mid ahaa madaxdii lagu casuumay shirka wada tashiga ah ayaa ku ammaanay dhaqdhaqaaqyada xisbiyada siyaasadda dalka ay bilaabeen.

Saciid Qoorsheeyl ayaa sheegay in shirarka iyo kulamada noocaan ay muhiim u tahay isbedelka la doonayo in lagu sameeyo hannaanka lagu soo dooranayo madaxda hoggaamineysa dowladda cusub kuwaasi oo markoodii hore saamiga kuraasta ku qeybsanayay habka 4.5 ee qabiilka ku saleysan.

Muxudiin Xasan Cali (Darbaweyne) guddoomiyaha xisbiga DUGAAL ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad aan caadi ahayn, isagoona farriin u diray dalalka beesha caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya inay ka digtoonaadaan taageerada xisbiyo ay hoggaamiyaan shaqsiyaad horay dalka dembiyo uga galay.

“Dalka waxaa ka jira 72-Xisbi kuwo kalena wadada ay ku soo jiraan, mana matalaan 6-xisbi oo Turkiga uga dhawaaqay inay sameynayaan xisbi ay ku mideysan yihiin” ayuu yiri Muxudiin Darbaweyne oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed aanay marnaba taageereynin shaqsiyaad horay loo soo tijaabiyay hab maamulkooda dowliga ah.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah madaxda iyo wakiilada xisbiyada siyaasadda, iyagoona siyaabo kala duwan uga hadlay muhiimadda shirkooda wada tashiga ah uu u leeyahay mustaqbalka Soomaaliya iyo sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho dadweyne oo xor ah.

Xiriiriyaha asxaabta siyaasadda Soomaaliya Cali Maxamed Nuux (Tima Jilic) ahna guddoomiyaha xisbiga midnimada Jamhuuriga ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad uu ku soo xiray shirka wada tashiga ah ee ay yeesheen in ka badan 40-xisbi siyaasadeed oo ku bahoobay isbaheysigaasi.

“Waxaan idiin ballanqaadayaa in isbaheysigan qeyb ka noqon doonin wax kasta oo wax u dhimaya xasiloonida dalka” ayuu yiri Xiriirye Tima Jilic oo sheegay inay ka shaqeynayaan tallaabo kasta oo fursad u siineysa shacabka Soomaaliyeed inay si xor ah u doortaan madax u qalma  hoggaaminta dalka.

Guddoomiye Tima Jilic ayaa sheegay inay jiraan siyaasiyiin iyo xubno horay dalka madax uga soo noqday ay adeegsanayaan lacago fara badan isla markaana adeegsanaya qabiil iyo inay qoriga caaradiis inay ku hantiyaan hoggaaminta dalka, taasi oo uu sheegay inay tahay mid aan marnaba suuragal u noqon doonin.

“Ujeedada loo asaasay Isbaheysigan ma ahan mid doonaya inuu adeegsado laaluush, wuxuuna ka madax bannaan yahay qabyaalad iyo in qoriga caaradiisa uu ku gaaro himiladiisa, balse ujeedadu waa sidii ay shacabka Soomaaliyeed ku dooran lahaayeen madax ku shaqeyneysa rabitaanka dadka iyo dalka.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA