Dalka Netherland oo xaalad deg-deg ah lageliyey

Ra’isalwasaaraha dalka Nederland Mark Rutted ayaa maanta ku dhawaqay in dalka Nederland lagaliyo xalad degdeg ah taas oo  ay aduunka ka jirto xalad aad u xun iyo sii faafida feyriska korona oo ay wadamo badan ee qaarada Yurub la hakiyey isku socodka iyo isu imaanshaha.

Reysalwasaaraha dalka Nederland ayaa ku dhawaqay sacadihii ugu dambeyay in cudurka Coronaha lugu arkay dhowr magaalo oo ka tirsan dalka Nederland.

Waxaa la joojiyay goobaha Isbortiga la iskugu yimaado sida melaha bulshada ay u badan yihiin, arinkan ayaa waxaa ay ku soo adeysaa xili ay cabsi badan laga Qaboo in feyriskan uu ku fido dhamaan qaarada yurub iyo waxaa jiraa wadamo badan ee qarada yurub ka mid ah in uu mar horaba uu sameeyay feriskan Corona.

Hadalka reysalwasaaraha dalka Nederland marka uu ku sheegay shirkiisa jaraa’id ayaa shacabka Netherland Waxaa si degdeg ah ay ku yaaceen suuqyada Nederland, laakiin wali aan la xerin goobaha waxbarashada sida iskuulada jaamacaha dalka Netherland.