Al-Shabaab iyo kooxda macawiisleyda oo ku dagaalamay Deegaan ka mid ah Gobolka Hiiraan.

Kooxda Macaawisleyda ah ee la dagaallanta Al-Shabaab ayaa waxay sheegeen inay dagaal ku qaadeen Al-Shabab kuwaas oo sugnaa degaan lagu magacaabo Beero Yabaal oo hoostaga degmada Buula Burde ee Gobolka Hiiraan ka titsan.

Waxay sheegeen kooxda macawiisleyda in weerarkaasi ay ku dileen sarkaal ka tirsan Al-Shabaab, kaasi oo lagu magacaabi jiray Nuur Afey.

Sarkaal ka tirsan Kooxda Macaawisley oo lagu magacaabo Maxamed Cali Istakiin ayaa sheegay in weerarka ay sidoo kale ku dileen dagaalamayaal la socday sarkaalka ay dileen.

Kooxda Macaawisleyda ayaa ka dagaalanta Hirshabelle, waxaana ay dagaallo kula jiraan ururka Al-shabaab, iyaga oo marar badan ku weeraray meello ay kaga sugnaayeen Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.