IMO oo soo dhaweeyey dhameystirka Xeerka Badaha Soomaaliya.

Hay’adda Baddaha Caalamiga ee IMO ayaa soo dhaweeyeen dhamaystirka Xeerka cusub ee Baddaha Soomaaliya oo lagu sugayo Bad-qabka iyo dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee dhamaan Maraakiibta marinkooda yahay Baddaha Somalia.

War-qoraal oo ka soo baxay Hay’adda IOM oo ay xubno ka yihiin 174 Waddan iyo 3 Ururo ay wada-shaqeyn leeyihiin ayaa lagu sheegay in Horumarinta Nidaamka Badadha Somalia ay tahay Tallaabo horey loo qaaday, laguna soo dhamaystiray Xeerka Baddaha Somalia.

Qoraalka IMO waxaa kaloo lagu xusay in ay 6 sano qaadatay Hawlaha lagu diyaarinayey Xeerka Badda Somalia, oo ay taageereen Hay’adooda iyo Xafiiska QM ee Taakuleynta Hawlgalka Somalia ee AMISOM.
Hay’adda IMO iyo Xafiiska UNSOM waxay kala shaqeeyeen DFS Sharciga iyo Tababarka Farsamo ee lagu taageerayo Saraakiisha Maamulka Baddaha muddadii uu socday Kulanka shaqo ee bishii Janaayo ee sanadkan lagu qabtay Xarun GobaleedkaTababarada ee ku yaalla Jabuuti.

La-socodka Dhaqdhaqaaqa Maraakiibta waxa uu dal kasta oggolaanayaa mas’uuliyadda Heshiisyadda Baddaha Caalamiga, sida Calamada dalalka ay Maraakiibta ku safraan, Dekedda iyo dalalka Xeebleyda ah.

Waxaa kaloo ka qeyb galay Wasiirka Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda, Maryan Aweys Jamaac, Wasiiro, Xildhibaano iyo Khubaro ka socday Hay’adaha IMO, UNSOM iyo Hawlgalka Midowga Europe ee Somalia ee EUCAP.

Xeerkan ayaa markii ugu dambeysay wax laga badalay 1988-kii, iyadoo arrintan ay calaamad u tahay gabagabada dhowr sano oo shaqo ah oo ku saabsan horumarka laga sameysay xeerkan.

Shuruucda badda ee Soomaaliya waxaa loo dajiyay qaab dhismeedka deegaanka, kaas oo ilaalinaya suurtagalnimada biyaha ku teedsan dalkan xeebta leh.

Masuuliyadaha muhiimka ah ee la xiriira waajibaadka arrintan, oo ay kujirto awoodda xuduuda biyaha iyo kheyraadkeeda, waxaa lagu lifaaqaa xeerka badda, oo waliba u adeegsan kara awood u lahaanshaha horumarinta ‘Dhaqaalaha Buluugga ah’

Xeerku wuxuu hadda marayaa ansixinta Golaha Wasiirrada, iyo Madaxweynaha Soomaaliya, ka hor inta aan si rasmi ah loo ansaxin.