Beesha Cali Ibraahim (Reer Biciid yahan) oo Ku baaqday in aan la xeeladeyn masiirka Puntland iyo la shaqeynt dawlada Dhexe ee federaalka


Beesha Ali ibraahiim oo kamid ah beelaha Puntland dagan una dhashay,ayaa isugu soobaxay magaalada ay dagan yihiin ee CAGAARAN oo u jirta 30km Magaalada GALKACAYO dhacdana dhanka waqooyi bari. isu soo baxaa oo ku saabsanaa,walaac ka dhashay waayadan danbe xiriirkii u dhaxeeyay dawlad gobleedka Puntland iyo dawlada fadaraalka ee soomaaliya ciiryaamo haraysay.
Beeshu waxay kamid tahay dadkii reer Puntland ee yagleelay,dawlad goboleedka Puntland 1998,iyagoo kasoo qayb qaatay dhismahaas door muuqdana ku lahaa sal u dhigida maamulkaas hana qaaday. Allaah ha unaxariistee Genaraal Maxamed Jibriil Muuse iyo rag wada ruug cadaa ah oo heer wasiiro iyo heerar kala duwanba kasoo qabtay dawladihii 1960-1991 kii soomaray soomaaliya ayaa u dhabar adaygay dhismaha iyo yagleelkii PUNTLAND.
Sidaa daraadeed,Puntland si buuxda ayay beeshu u taageersan tahay,wax kastoo wanaageeda iyo hormarkeeda ah,balse waxaan la aqbali karayn in masiirka Puntland siyaasiyiin reer Puntland ahi ay dano gaara u adeegsadaan taasoo aan maslaxad u ahayn hormarka iyo sharafka Puntland iyo guud ahaan soomaaliyaba.mana jirto meel lagu heshiiyay oo shacabka puntland ogyahay oo ah dagaal ka dhan ah dawlada fadaraalka ee curdanka ah,mana jirto nin ku dhaca in uu talada Puntland isku gaar yeelo oo dikteeytarnimo layimaad. Waxay beeshu aamin santahay wada shaqayn wanaagsan oo dhex marta Puntland iyo dawlada dhexe ee fadaraalka hormar labada dhinacba ah iyo guul sidoo kale khilaaf iyo kala fogaansho soo gala puntland iyo fadaraalka dhexe waxaan u aragnaa dib u dhac iyo khasaare ah labada dhinacba markaa khasaare uma baahna maanta PUNTLAND iyo dib udhac midna.Arinkaa isaga ah waxaa tusaale u ah balan qaadkii dawlada dhexe ee fadaraalku mar ay booqatay Magaalada CAGAARAN ay usamaysay oo ahaa in ay wadooyin,goobo tacaliimeed,iyo isbitaal danta guud ah garoon ciyaareed, u dhisilahayd taasoo nasiibdaro ay ku waayeen khilaafka soo kala dhex galay iyo wada shaqayn tii oo xumaatay maamulka Puntland iyo fadaraalka dhexe.
Puntland waxay muraayad u tahay qaranimada soomaaliya,waxayna hormuud utahay isu keenka iyo wada jirka umada soomaaliyeed,anagoo taa nalaku yaqaan madoonayno in la marin habawsho taariikhdaas.
Beeshu waxay taariikh ku leedahay in aysan sida beelaha qaar mucaaradin dawladihii iyo madaxdii isaga danbaysay Puntland oo hada uu ugu danbeeyo madaxweyne Siciid Dani oo aan taageersanahay una aragno hadaan balaayo jar ka tuurin iyo si xun wax u sheeg Madaxweyne aqoon yahan ah oo dagan.Beeshu wax hormar dagaankeeda ah haday ahaan lahayd goobo wax barasho,biyo iyo koronto,wadooyin xarumo caafimaad,magacaabid dagmo kama aysan helin nasiib daro maamuladii isaga danbeeyay Puntland oo ay intaa garabka haysay Mahubno Mudane Madaxweyne Siciid dani wuxuu dagaanka ka yeeli doono in uu wadadii ragii ka horeeyay raaci doono iyo in uu hormar taariikhda u gala kasamayn doono dagaanka CAGAARAN oo hortiis aysan cidna samayn anagoo filayna in uu dawlada dhexe uuga soo hormari doono ama ogolaan doono in Balan qaadkii CAGAARAN ay fuliso dawlada dhexe ee fadaraalku waayo waa hormar uu helaayo dagaan PUNTLAND. waxaan muu jinay samir iyo dul qaad oo isku tashi ayaan ku dhisanay waxaan awoodnay ee hada noo dhisan.Soomaaliyana waxaa waayadan danbe dhaqan noqotay in qori la qaato dhiig muslim la daadiyo ku qabso ku qadi maysidee taana xiiso uma qabno aakhiro seega ah. waxaan marwalba rajaynaynaa wanaag iyo wada jir.
Puntland waa meel laga dhiso soomaaliya lagana taageero dawlad nimada soomaaliya maha meel lagu hagardaameeyo in soomaaliya dib u hesho dawladnimadii.beeshu madoonayso in ay u muuqato Puntland meel dalkaan iyo dadkaan soomaaliyeed ee mudo la ciir ciiraaya dhibaatada dawlad la aaneed sababta in la eersado dushana loo saaro waxaysan gayin. waxaana beeshu taageeraysaa sibuuxda Puntland oo la shaqaysa dawlada fadaraalka si soomaaliya uga baxdo dhibaatada.
Beeshu kama qayb qaadanayso wax kastoo guracan oo lagu dabraayo dawlada dhexe ee fadaraalka ah anagoon ka tagayn in ay hesho Puntland wixii ay xaqa uugu leedahay dawlada dhexe ee fadaraalka. anagoo u naxayna dalkeena iyo dadkeena waxaan doonaynaa in dawlad goboleedkasta oo soomaaliyeed si buuxda oo shuruud la aan ah ula shaqeeyo dawlada dhexe ee fadaraalka ee soomaaliyeed. waxaan illaahay uuga baryaynaa soomaaliya in uu udanbi dhaafo cafiyo oo uu mideeyo quluubtoodana isu soo dhaweeyo.
Taageero isu soobax Dawlada soomaaliya lagu taageerayo oo ay muujisay magaalada CAGAARAN ee PUNTLAND