NISA oo sheegtay in Madaxii amniyaadka G/Banaadir lagu dilay Degmada Bu’aale.

Muqdisho:-Hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa goor dhaw Twitter-keeda ku baahisay in xalay degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe lagu dilay nin lagu magacaabi jiray Muuse Macalin oo sida lagu sheegay qoraalka dhawaan iska casilay madaxa amniyaadka Al-Shabaab ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay hey’adda Nabada Sugidda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in amar uu bixiyey hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye lagu xiray madaxa howlgelinta amniyaadka Al-Shabaab ee ka howlgala gobolka Banaadir, kaas oo magaciisa lagu sheegay Cumar Maxamed.

“Saqdii dhexe ee xalay ayaa Bu’aale lagu dilay Muuse Macalin, oo horay isaga casilay madaxii Amniyaatka G-Banaadir ee AS, sidoo kale waxaa Xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaatka G-Banaadir, Cumar Maxamed, iyadoo lafulinayey amarka Horjoogaha Maafiyada AS Axmed Diiriye” ayaa lagu yiri qoraalkan oo lagu soo daabacay barta Twitterka ee hey’adda NISA.