Diyaarado Dagaal oo xalay Duqeeyay Saldhigyo Shabaabku ku lahaa Jubbooyinka.

Diyaarado dagaal ayaa xalay waxaa ay duqeymo la beegsadeen saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin gobolada Jubbooyinka.

Duqeymaha ayaa waxay ka kala dhaceen degmooyinka Jilib, Saakow , Bu’aale, iyo salagle ee gobolada Jubbooyinka, iyadoo duqeymahaasi lala beegsaday saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin degmooyinkaasi.

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in duqeyntaas lagu dilay xubno ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Duqeyn kale ayaa la sheegay inay ka dhacday Degmada Saakow, iyadoo la sheegay in lala beegsaday Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku wajahnaa deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Ilo wareedyo ayaa sidoo kale sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeyn kale ka fuliyeen Degmada Bu’aale, iyadoona la sheegay in duqeyntaasi lagu dilay qaar ka tirsan Al-Shabaab.

Deegaanka Salagle ayaa lasheegey in duqeyn lala eegtey sarkaal sare oo ka tirsan amniyaadka Al-Shabaab oo magaciisa lagu soo koobey Caydaruus.
Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa waxaa la soo warinayaa in gabi ahaanba la burburiyay saldhigyada Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka fulinayaan saldhigyada Al-Shabaab ay ku leeyihiin gobolada dalka.