Madaxwaynaha Puntland iyo Ergayga QM ee Soomaaliya maxay ka wada hadleen kulankooda Garoowe?.

Garoowe:-Wafiga Danjiraha Qaramada Midobay ee Soomaaliya oo ay qeyb ka ahaayeen Xubno Sare oo ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo soo Gaaray Magaalada Garoowe ayaa kulan gaar kula qaatay aqalka Madaxtooyada ee Maamulka Puntland ee Garoowe Madaxwayne Siciid C/llaahi Dani oo uu Weheliyo Madsxwayne ku-xigeenka Puntland Axmed Cismaan Cilmi Karaash.

Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo Danjire James Swan ayaa kulankooda gaarka ah kadib si wadajir ah ula hadlay saxaafadda.

Madaxwayne Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa sheegay in Safiirka ay ka wadahadleen Qodobo ay kamid ahaaageen hanaanka Doorashada dalka ee 2020/2021, xoojinta amniga, dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta Qorshayaasha Horumarinta Puntland.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan ayaa dhankiisa xusay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerideeda qorshayaasha Horumarineed ee Puntland,iyo sidii loo heli lahaa Hanaan doorasho oo loo wada dhan yahay.