Ila Ooy, Baahiyaa i heeyso. ( Xog wadaag aad Muhim u ah).

Waxaa laga yaabaa in aadan hoos u fiirin ama aadan Cilmi baaris ku sameeynin Ganacsiga Dalka qaarkii. Waxaa jira Xanuun Badan oo kaa qarsoon. Ummaduhuna waxa ey ka fikeraan isku filnaasho dhinaca Cuntada ah, si xataa haddii Dagaal Caalamiya uu dhaco eynan Cunto Dibadda ugu baahan oo cid kale eyna ugu tiirsanaan. Annagu waxaan Dibadda ka soo dhoofsanaa ,Cunto noo bixi karo, taa oo naga dhigtay Suuq Wadamo kale ey leeyihiin, iyo in aan Niyad jabino Beeraleeydeynii. Bal tag Suuqyada Magaalada iyo Dekeda.

Waa Jiro Suuqyada Dalka in lagu iibiyo Yaanyo iyo Barbarooni laga keenay Ugandha iyo wadama kale. ( F.S: 1, 2 ,3, & 4aad).

In kasta oo hadda Arday iyo Macalimiin Turkey ihi ey bilaabeen “Green House” lagu beero Barbarooni aad u wanaagsan. Dhinaca kale is barbardhig “Liinta Bambeelmada”Gudaha iyo tan Dibadda laga keeno, waxaa dhadhan macaan teena.( F.S:5aad)

Waxaa ka sii daran in “Karooto” laga keenay Dalka Shiinaha lagu cuno Magaalada Mogadishu, Tii Dalkana la iska dhaafay, Lacag adagna aan ku bixino. (F.S: 6aad). “Digirta Misirta” ee ugu badan waxaa laga keenaa Ruushka iyo Turkey. ( F.S: 7aad) “Ganleyda” waxaa laga keenaa Turkeyga iyo Barzil. (F.S: 8aad) “Masgadana” Barazil iyo Tanzaniya. ( F.S: 9-10aad) “Bardhada” iyada oo Konteenaro ku jirto ayaa Bakistaan laga keenaa ,dhinaca dhulkana Ethiopia ayaa laga keenaa. “Luubaanta” la shito oo Dalkeena ka baxdo, waxaa laga keena Hindiya weliba iyada oo Caag ka sameeysan qaarkeedna haddii aad shido Holac iyo Bac bac ayey isku daree.

“Ukunta Digaaga” 90% Ukrine ayaa laga keenaa, waxaa kale oo laga keenaa Prazil oo ah Latin America aadna nooga fog meeqo ayeey ku imaanee? Waxaa kale oo “Ukunta” laga keenaa Shiinaha, Turkiga, Imaaraadka Carabta iyo Malesiya. Amisom waxa ey kala timaad Kenya. Ukuntaa Dibada laga keeno haddii aad Dooro u dhigto ma naqoneeyso Jiijiile Nool, waa Ukun ma dhaliis ah. ( F.S: 11aad)

“Hilibka Doorada” waxaa nalooga keenaa Barazil, waa dooro la duray , oogoow Dooradaa qaarkeed haddii la duro waa in la qalo 45 Cisho gudahood, haddii aan la qalinna waa baqtinee. oggowna shaqaalaha Duro Doorada qaarkood ma cunaan Hilibkeeda . ( F.S: 12aad) Tusaale, haddii aad tagto Suuqa Xamar weyne ,waxaad gadanee Dooro nool, hortaada ayaa laguugu qalayaa, Hilibka ayaa Bac laguugu ridayaa isaga oo dhiigayo kana Caraf iyo Macaan badan tan Dibadda, qiimuhuna waa 5 Dollar, Doorada Gudaha oo kaamil ah.

“Caanaha” waxaa nalooga keenaa, New Zealand ,Imaaraadka, Sucuudiga iyo Cumaan, waa wadamo aan ka Lo’badan nahay. Taasi waxa ey keenatay in Lo’leeydeynii suuqa laga saaro.( F.S: 13aad)

Dhoofin.

“Sisinta” waxaan u dhoofinaa, Hindiya oo hore Shiinaha uga soo dhoofsan jirtay, Suuqiina waan ka saarnay Shiinaha. Waxaa kale oo aan u dhoofinaa Imaaraadka oo “Daaxuuniyad” ka sameeyo, kadibna Annaga dib noogu soo dhoofiso, waxaa kale oo aan u dhoofinaa Israa’iil. Oogoow Annaguna Saliida Cuntada waxaan ka soo dhoofsanaa Dibadda haba ugu badnaato Malesiya.

“Liinta” waxaa u dhoofinaa Imaaraadka oo iyaguna Iraan ugu sii dhoofiso Suuq madoow , “Maqaarta” waxaan u dhoofinaa Nageriya ! oo bedeshay suuqii Yurub laga yaabee in iyaduna ey sii dhoofiyaan. “Hilibka Ariga” ayaan u dhoofinaa Carabta, laakin AMISOM Hilib ayeey dibadda kala timaad, Maxaa qandaraaskaa loo siin waayay Ganacsato Somali ah looguna khasbi waayay AMISOM in ey isticmaalaan Hilibka Gudaha. “Dhagta Yaxaaska” ayaan dhoofinaa Ma ogi meesha loo dhoofiyo, Kaluunkeenii kale ma dhoofino oo badaaba laga sii dhoofsadaa.

Ogoow “Birta Canjeerada” lagu dubu, oo farsama yaqaanadeeno ey ku sameeyn jireen Suuqyada Magaalada, si dacaayad ah ayaa Suuqa looga saaray, waxaa la yiri: Birta Canjeerada ku fiican waan tan Itobiya lagu sameeyo oo farsama yaqaanadoodu ey Birta caadigaa ka tumaan, hadda Birta Canjeeto Itobiya ayaa laga keenaa, Farsama yaqaanadeeniina waa shaqa la’aan. ( F.S: 14aad).

Abuurka Ganleeyda oo Kenya nalooga keeno, waxa uu dhalaa in ka badan Sabuulada Ganleeydeena. Laakin Ganleyda Dibadu hal mar ayey wax dhashaa, Miraheedana dib uma abuuri kartid, Xilli kasta waxaad ku tiirsan tahay in aad Abuurka dibadda kala timaad. Galeeydaa Dibadda ee aan wax dhali karin nafaqo ma leedahay? . yaanyada ayaa la mid ah oo Abuurkeeda ayaa Dibadda laga keena, Abuurkeeduna waxa uu ku xiran yahay Dibadda Xilli kasta. Maxaa noo diiday Teenii meel kasta oo miraheedu gaaraan ka bixi jirtay.

Ogoow, Lo’ la siiyo Lafo iyo Saxaro Doofaar oo loo shiiday sidii “Maakaalka” , si ey caanaheedu u bataan, ayaa wadamada qaar nalooga keenaa.

Kuma eko Magaalada oo kaliya , xataa haddii aad aragto Reer Miyi Guurayo waxaa Oowrta u saaran Bir canjeero, Bur daqiiq ah, waxaa kale oo la yaab ah kuwa ey beerahooda Digiri uga baxday ee ku bedelanayo Bariis, looguna Been sheegay in Bariisku ka nafaqa badan yahay Digirta, yahayna Cunto Magaalo.

Gabdho Somaliyeed ayaa hadda bilaabay in waxyaabaha la isku qurxiyo iyo wax kale oo muhim ahba ey ka sameeyaan Dalagga Gudaha ka baxo, waana ku Mahadsan yihiin.

Walaalkeey/ Walaasheey, Adiguna Sideeyda oo kale isku day in aad wax soo ogaato, tag Suuqyada iyo Dekedda ee soo hubi, Yaanyada iyo Cuntooyinka Dibadda laga keenayo. Ma Qorsha naloogugu tala galaa, mise waa ogaal yaradeeyna?.

Waxaan ka codsanayaa, Dowlada iyo Ganacsatuba in ey joojiyaan soo Dhoofinta Cuntada Dalkeena laga heli karo, si loo dhiiri galiyo wax soo saarka gudaha, Lacag adigi noogu baaqato, Caafimaadka Dadkana laga fikiro. Dad weynuhuna in ayey Isticmaalaan Dalagga Dalka ka baxo.

“sidaan aan isku dhaano, waa iga talo”.

FG: wixii aan ka khalday iga sax, wixii ka dhimanna ku dar, Aragtidaada xur ayaad u tahay.

Qore: Yahya Amir