Xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo gaaray degmada Cadale ee Gobolka Sh/Dhexe.

Muqdisho:- Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta gaaray degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xildhibaanadan oo deegaan doorashadooda ay tahay degmada Cadale ayaa waxaa si weyn u soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmadaasi.

Ujeedka Safarka Xildhibanada ayaa ah ogaanshaha xaaladda Bulshada ku nool Degmada Cadale,kormeerida Mashaariicda laga fuliyey degmada iyo u kuur gelida howlaha muhiimka ah ee socda.

Sidoo kale, Xildhibaanada maanta gaaray degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa kulamo la qaadan doono Maamulka iyo Bulshada ku nool degamada Cadale ee Dowlad goboleedka Hirshabeelle.