Itoobiya, Kenya iyo Madaxweyne Farmaajo maxaa ka haysta?

Xildhibaanadii dhawaan Muqdiso yimid iyo Wasiir arrimaha Gudaha Kenya waxaa ay wadeen labo fikir oo iska soo horjeedo Hadaba maxeey yihiin?

Toddobaadyo ka hor ayeey aheed markii magaalada Muqdisho ay yimaadeen Xildhibaano iskood isku soo abaabulay,kana socda Gobolka Waqooyi beri Kenya kuwaasi oo ahaa 12-mudane. Xildhibaanada ayaa kulan ay la qaateyn Madaxweyne Farmaajo kala hadlay saddex qodob oo kala ah:-

1-In ay cadaadis ku saaraan Xukuumadda Nairobi in Wasiir Janan laga saaro Gobolka Waqooyi beri Kenya.

2-in aan dulaan ama weerar looga soo qaadin Mandheera oo ay joogaan ciidanka Jubbaland.

3-in ay cadeeyaan in aysan raali ka aheen qalalaaso ka dhaca xadka labada wadan.

Xildhibaanadan ayaa u ekaa kuwa dhinac u xaglinayo,sababtuna waxaa ay tahay in aysan tagin Kismaayo oo ay joogaan Madaxda Jubbaland si wadahal ay uga dhex furan Villa Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jubbaland.

Intaasi kadib markii ay dib ugu laabteen Xildhibaanadan magaalada Nairobi waxaa ay la kulmeen cadaadis iyo juub juub kaga yimid Madaxda sare ee Kenya oo shaki ka muujiyey safarkoodii Muqdisho.

Laakiin afhayeenka baarlamanka Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in aysan jirin wax dambi ah oo ay galeen Xildhibaanadaasi,waxaase uu tilmaamay in ay jabiyeen qodobka 226 ee xeer hoosaadka baarlamanka Kenya.

Markuu xaalku intaa marayo waxaa kuln deg deg ah qaatay Madaxweynaha Kenya iyo qaar kamid ah saraakiisha sar sare ee wadankaasi,iyadoona Kenya ay shaacisay in Soomaaliya ay ku soo xadgudubtay gudaha wadankeeda,ogsoonowna ciidamo kenyaan ah ayaa degan gudaha Soomaaliya.

Waxaa xigtay in labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay kuwa hadlay taleefoon,waxaana ay ku balameen in dhinacyadu soo kala dirsadaan guddi damiya xiisada xaduuda ka taagan.

Maanta magaalada Muqdisho waxaa tagay wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee Kenya Fred Matiangi.saad ogtihiin safarkan siyaasadeysan waxaa lagu dhabar jabinaye Xildhibaanadii kenyaanka ahaa ee Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ku qanciyey Villa Soomaaliya in ay aqbasho Casuumaada uga timid Uhuru Kenyatta, si Kenya ay ugu soo bandhigto Farmaajo wadahadal uu la galo Axmed Madoobe.

QM iyo Kenya ayaa qaba in la joogo waqtigii Axmed Madoob Madaxweynaha Jubbaland lala furi lahaa wadahadal.waayoo Kenya marnaba ma dooneyso in ay gor gortan ka gasho xilka Madaxweyne axmed Madoobe.

Sidoo kale Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya ayaa maanta bayaan ay soo saareyn ku sheegay in ay ku baaqayaan wadahadal dhex-mara Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jubbaland.

Khilaafka Farmaajo iyo Axmed Madoobe ayaa soo jiray 3-dii sano ee ugu dambeysay,iyadoona Farmaajo uu aamisan yahay siyaasada la yiraahdo “aan guuleysto”,halka Madaxweyne Madoobe oo ah Madaxweynaha Jubblanad uu aamisan yahay “aan wada guuleysano”.

Waxaan falanqeentaan ku soo afmeerayaa in sanadka 2021,la wada qasaari doono,madaama Madaxweyne Farmaajo uu aamisan yahay aam guuleysato oo uu san qofna gor gortan kala galeynin.

Hadaba su’aashaas shacabka Soomaaliyeed ayeey u taalaa,sida ay uga jawaabayaan Khasaaraha soo socda?

W/Q:-Danjire Caalin