Qaado Go’aan ku anfaca Aduun iyo Aakhiriba!!!

Mudane, Bashrath Manjihi, Tuulada uu deganaa waxaa ku wareegsanaa Buur weyn oo Balaceedu yahay 1km, Isbitaalka ugu dhaw waxa uu ku yaal Buurta dhinaceeda kale oo 1km u jirto.

Laakin si aad u gaarto Isbitaalka waa in aad dhinaca kale kala soo wareegto Buurta oo aad socotid 70km.

Xaaskiisa uu xanuunsaneed ayaa loo qaaday isbitaalkaa intii wadadii dheereed ee 70 km aheeyd lagu sii waday ayeey geeriyootay.

Md.Bashrath waxa uu goostay in Haweeneey dambe eyna ku dhiman wadada dheer ee wareega ah, waxa uuna ka dhax jeexo Buurta waddo 1km ah si Isbitaalka Tuulada kale deg deg loogu tago.

waxa ey ku qaadatay isaga oo Gacantiisa isticmaalayay Habeen iyo Maalina ka shaqeeynayay kaligii muddo dhan 22 Sanno ah, in uu isku xiro Labada Tuulo, deg degna lagu gaaro isbitaalka, si uuna Qof kale dayac ugu dhicin, sida dayacii ku dhacay Xaaskiisii. ( F.S:1aad).

Maanta.

Dhalinyarada Mutadawiciinta ah ee Wadooyinka Mogadishu iyo Dalkaba Bacaadka ka qaado,Boholaha wadada dhaxdeeda ahna aaso, oo marka aad dhinac maree ku weeydiista in aad ku gacan siiso shaqada ama aad siiso 1000 Sh. So.oo Biyo cabaal ah, ogoow hadaadan ku gacan siin wadadu waa xirmi doontaa meel fog ayaadna ka soo wareegi doontaa.

waxaa la mid ah, dhamaan dhalinyarada Somaliyeed ee qabto howlaha kala duwan ee Mutadawacnimada ah, intii tabartaada ah ku taageer.waa wanaag Aduunka, Aakhira Ajir aad ka hesho Alle xaguu. waddo hagaajisaa, Qarsho jaban Jid ka qaadaa, Geed abuurtaa, Qashin fogeeysaa, IWM.

Bulshada Caawi ama Dhalinyarada caawineyso caawi, haka caqli yaraan Md. Bashrath, waa iga talo.

Qore: Yahya Amir