Maxaad ka taqaan dagaalkii Karamara ee Itoobiyaanku xusaan?


Karamadha ama Karamara waa dhul buuraley ah oo dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Jigjiga. Bishii oktobar 1977 ayey ciidamada Soomaalida qabsadeen magaalada Jigjiga iyo Karamara oo saldhig weyn u ahayd ciidamada dowlada Itoobiya.

Mingistu Haile Mariam madaxweynihii dalka Itoobiya filan-waa ayey ku noqotey , ciidamada Itoobiya jab weyn ayaa dagaalladaas ka qabsadey, waxaana looga qabsadey 75 Taangiyo oo ay ciidamada Itoobiya ka carareen.

Ciidamadii Itoobiyaanka ee jabey iyo ciidamo xooggan oo gurmad ah waxey difaac ka galeen deegaan bari kaga aadan magaalada Harar. Mingiste H Maryam ayaa halkaas ku booqdey ciidamadiisa si uu u dhiirogeliyo, wuxuuna gurmad iyo gargaar ka dalbadey gaashaanbuurtii Warso.

Ciidamadii Soomaalida ayaa dib loogu saarey bilowgii bishii Maarso 1978-dii kadib markii ay dagaalka soo galeen ku dhawaad 16 kun ciidamo Kuubaan ah iyo 1,300 ciidamo iyo la taliyaal ruush ah.

Ciidamada Soomaalida waxaa lagaga guuleystey dagaalka dhinaca cirka. Midowga Soofiyeeti ayaa Dowladda Itoobiya ugu deeqdey 48 diyaarado dagaal nooca MiG-21 bis, 6 helikopter Mil Mi24, 12 gawaarida kaarayaasha lagu qaado ah, 300 MBT iyo lidka diyaaradaha SA-2, SA-3 SAM.

Dowladda Kuuba ayaa sidoo kale dagaalka cirka ka taageertey dowladda Itoobiya iyaga oo ku dagaalamayey diyaaradaha MiG-17 iyo MiG-21.

Ciidamada Soomaalida waxaa jabiyey gurmadkii ciidamo ee Midowga Sofiyeeti iyo Kuuba u fidiyeen dalka Itoobiya.

Soomaalidu waxey tiraah ” Buur ahow ama buur ku tiirsanow”.

Dowladda Soomaaliya waxaa dhabarka u jeediyey oo cadowgooda ka taageerey saaxiibkoodii kowaad Midowgii Sofiyeeti waxeyna gurmad iyo taageero ka waayeen dowladdihii galbeedka ( Nato) Mareykan, Ingariis iyo Faransiiska oo ay dowladda Soomaaliya ka codsatey gargaar milatari.

Waxaan qoraalkan ka soo xigtey buug uu qorey Tom Cooper ” Wings over Ogaden”.

Ilyas Mohamud Hussein