Maamulka Jubbaland oo dil ku xukuntay askari ka tirsan ciidanka xoogg dalka.

Kismaayo:-Maxkamadda ciidanka Jubbaland ayaa maanta xukun dil ah ku riday askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Askarigan ayaa ka tirsan ciidanka militeriga Soomaaliya, gaar ahaan qaybta 43-aad ee ka howlgasha gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Askariga dilka lagu xukumay ayaa lagu magacaabaa Bile Khaliif Xuseen, waxaana lagu eedeeyey in 5-tii bishan uu Kismaayo ku dilay askari kale oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Aadan Dhicis Axmed, waxuuna maalintii Khamiista dilkiisu ka dhacay xaafadda Farjano ee magaalada Kismaayo.

Garsooraha maxamadda ciidamada Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed oo ku dhawaaqay xukunkaas ayaa dil toogasho ah ku xukumay askari, taas oo ah khisaasta marxuumka uu horay u dilay.