Geesigaaga iyo Guushaada lama inkiro (Usbuucaan waxaa loo Dabaaldagay Sannad guuraagii 42-43aad ee Dagaalkii 77.)

Usbuucaan waxaa loo Dabaaldagay Sannad guuraagii 42-43aad ee Dagaalkii 77.

1. Abiy Ahmed oo Ubax dhigay Taalada ey ku xasuusataan Dagaalkii 77, ayaa yiri: waxaan u dabaal degeeynaa Sannad guuraagii 42-43aad ee Guushii aan ka gaaranay Dagaalkii ka dhacay Karamara 1977 ee aan uga guuleeysanay Ciidamadii Somalida ee nagu soo duulay. ( F.S 1 &2aad)

2. Mustaf Cumar Cagjar Madaxweynaha Somali Galbeed ayaa yiri: dhamaan Halgankii Shacabka Somali Galbeed waxa ey ahaayeen Halgamo gumeeysi diid, oo xalaal ah. Dagaalkii 1977na waxa uu ahaa Marxalad ka tirsan Halgamadaa lagu diidanaa Gumeysiga. waa in aan ka run sheegnaa Taariikhdeena oo aan diidnaa in cid kale noo macneeyso Taariikhdeena.(F.S: 3aad).

3. Annaguna waxaan dhahnay Mediyuhu yuuna Buunbuunin Cadaawadii hore ee labada Dal ee walaalaha ah.

Laakin Dugsiyada Ethiopia Manhajka wax barashada Ardayda waxaa ku qoran in Somaliya ey aheyd qeyb ka mid ah Ethiopia, oo Somali meel kale ka soo guurtay ey qabsadeen. sidaa yuuna ku barbaarayaa ubadka Ethiopia.

Annigu ma maqal usbuucaan Somaliya dhaxdeeda meel looga Dabaaldagayo Dagaalkii 77. Sabab kasta haloo galo dagaalka, waa in aan xasuusanaa una duceeynaa Asgarigii Dagaalkaa u galay gumeeysi diid. ma arkin Madax Sare iyo mid Hoose cid soo hadal qaaday.

Si aan u xasuusto, maanta oo Jimce ah waxaan Caruurteeyda uga sheekeeyay Dagaalkaa, Guulihii laga gaaray iyo isbaheeysigii Caalamiga ahaa ee isagu keena tagay. kadibna waxaan ku iri: u duceeya oo Qulhuwale u aqriya dhamaan Ciidamadii ku geeriyooday Dagaalkaa, Gaar ahaan Anniga Adeerkeey Cabdullahi Xaaji ( Adinka Abkoowgiin) iyo intii kula shahiiday Aagga Goryaale. intii ku dhaawacantayna, inta ka nool Alla ha abaal mariyo.

Ha hilmaamin Taariikhda Geesigaaga iyo Guushaada, waa iga Talo.

Qore: Yahya Amir