Wasiir Goodax oo QM uga warbixiyay xaaladda waxbarasho ee Dalka.

Muqdisho:-Wasiirka Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Xildhibaan; Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Maanta Muqdisho kula kulmay, Ergeyga gaarka ah ee Xoghaya-guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya, Mr.James Swan.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadaleen arrimo badan oo khuseeya waxbarashada Soomaaliya iyo sidii ay hey’adaha Qaramada Midoobay Gacan uga geysan lahaayeen qorshaha Qaran ee lagu horumarinayo Waxbarshada Dalka.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa warbixin kooban ka siiyay Ergayga isbedellada ku socda waxbarashada Soomaaliya iyo hindisayaasha horumarineed ee wasaaraddu garwadeenka ka tahay, iyada oo la kaashaneyna bahwadaagta waxbarashada Soomaaliya, sida lagu sheegay War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda.

Ambassador; James Swan ayaa dhankiisa xaqiijiyay in Xafiiskiisu diyaar u yahay sidii uu Gacan uga geysan lahaa hirgelinta qorshaha lagu horumarinayo Waxbarashada Soomaaliya.