Midowga Afrika oo shaaciyay Dalalka uu saameeyay Cudurka Coronavirus.

Addis ababa:-Ururka Midowga Afrika ayaa shaaciyey tirada rasmiga ah Dalalka Afrika ee uu gaaray caabuqa Coronavirus oo ka soo billowday Dalka Shiinaha.

War-saxaafadeed kasoo baxay Ururka Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in kiisas la xariira cudurkaasi Covid-19 laga helay Waddamada Algeria, Nigeria, Egypt, Morocco, Senegal iyo Tunusia.

Midowga Afrika ayaa sidoo kale ku baaqay in la muujiyo feejignaan dheeri ah, si looga hortago in cudurka uu u sii gudbo Dalalka kale ee Qaaradda.

Coronavirus oo hadda si weyn ugu sii fidaya Dunida ayaa waxaa u dhintay Dad badan, kuwaas oo badi ku noolaa Waddanka Shiinaha oo uu caabuqaan ka soo billowday.