Kenya oo wada qorshaha ay Ciidankeeda kala baxayso Soomaaliya.

Nairobi:-Dowladda Kenya ayaa la filayaa in Maalmaha soo socda ay midowga Afrika la billowdo wada hadallo ay Ciidankeeda uga saareyso howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM.

Wada hadallada oo ay hogaamineyso Wasiirka difaaca Kenya, mss; Monica Juma ayaa qeyb ka ah qorshaha ay midowga Afrika kusoo gaba-gabeynayaan howl-galkooda gudaha Soomaaliya Sanadda 2021-ka.

Tallaabadan ayaa soo Afjari doonta Siddeed Sano oo ay Ciidanka Kenya ku sugnaayeen gudaha Dalka Soomaaliya.

Ciidanka difaaca Kenya ee KDF ayaa Soomaaliya soo galay 16-kii Oktoobar 2011, xilli ay baacsanayeen Al-Shabaab, iyagoo 2012-kii si buuxda ugu biiray howl-galka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.