BAYLE WUXUU U HALGAMAYAA IN SOOMAALIYA AY LA SINAATO LANA TIS QAADO DAWLADAHA ADUUNKA


Dr Bayle oo la lagdamaaya haweenay Cadaan ah!!
Markii si gaara illaahay kusiiyo nicmadiisa,waxaa waajib ah in si weyn loogu mahad celiyo,isla markaana la xajisto nicmadaas uu kusiiyay. Waxaa hadana taa badalkeeda ah,in la qariyo oo la inkiro nicmo illaahay kusiiyay halkii  aad qiri lahayd shukrina la iman lahayd!. Waxaan wada ogsoonahay dhibaatada baaxada weyn ee ka dhacday dalkeena Soomaaliya kadib burburkii aynu gacmaheena isaga burburinay dawladnimadii aynu haysanay 1991 dii.
Waxaan gaara heer Aduunyadii oo dhami ka argagaxday waxa ka dhacay dalkeena oo qaatay sanado iyo guyaal farabadan,taasoo dawladihii aduunku dhulkeenii iyo dadkeenii Soomaaliya ay u aqoon sadeen,hooygii,gaajada iyo macaluusha,hooyagii nidaam darada iyo dawlad la aanta,hooygii jahliga iyo colaada aan ku fadhiyin wax macno leh oo la fahmi karo,hoygii qabiilka iyo qabyaalad laysu dilo,hoygii argagixisada,hoygii dhaca kufisiga iyo dilka,hoygii ka caagana sharafta iyo xasiloonida iyo dawladnimada.
Hooygii madaxdoodu u danqanayn dalkooda doolarka mooyaane,hoygii musuq maasuqa iyo madax tuugo ah,hoygii maafiyada dhacda ee jeebka ku shubata wixii dakhli soo gala deeq iyo dayn iyo canshuur intaba. hooygii aan lahayn wax garad iyo ikhyaar u danqata dalkooda iyo diintooda iyo dadkooda.
Waxaa dadkeena iyo dalkeenu noqday heerka dunida dadka ku nool uugu sumcada xun uugu garashada xun waxaana laynaga arkay wax argagax galiyay dunida oo dhan oo dulinimo ah.
Laakiin Dunidu waxay iloobeen in Soomaali liicdo balse aysan jabin waligeed.waxaana taariikh xumadaa iyo heerkaa ina gaarsiiyay waxa uugu wayn ayaa ah waxaa inoo soo hormaray dadkeena soomaaliyeed kuwii uugu liitay dhan walba xaga garashada,xaga xirfada,xaga aaminka,xaga daacadnimada,xaga xishoodka,xaga dal jeceelka iyo dawlad jacaylka intaba.intii u xumayd abuurka soomaaliyeed ayaa inoo hormartay oo soomaali halkaa dhigay burburkii kadib.
Kamahadlayno qabiil gaara oo soomaaliyeed,waxaan ka hadlaynaa waa shaqsiyaad iyo intii siyaasada ina horboodaysay mudadaas nusqarniga ah.hadaan intaa ka gudbo.
Maanta waxaa dalkeena inoo kacay oo nasiib wanaag inoo soo hormaray rag iyo dumar soomaaliyeed oo ah kuwii wanaagsanaa ee kamidka ahaa dadkeena soomaaliyeed.waxaana maanta cidna aan loo sheegaynin oo shacabka soomaaliyeed kawada marqaati yihiin madaxdeena sida hufan ee ay uwada shaqaynayaan,isku duubnida taasoo kabadalan wixii hore ee ahaa madax isqabqabsanaysa oo dunidu ku kala dhex jirto iyagii,halkii ay dalkooda iyo dadkooda ka badbaadin lahaayeen oo halka uu yaalo ee hoosaysa ka qaadi lahaayeen.
Maanta waxaa la arkay,ciidan qaran oo fadaraal ah oo leh nidaam askari kastaa lee yahay gal iyo fayl leeyahay mushahar joogta ah leeyahay tababar iyo garaad wadaniyadeed. waxay dawladaani dhistay ciidan dhab ah iyagoo soo celiyay karaamadii ciidankii xooga dalka soomaaliyeed,waxaan aragnay shaqaalaha dawlada oo hela si joogta ah mushaharkooda. waxaan aragnay dib u dhis caasimadii dalka iyo hormar xawli ah. waxaan aragnay siyaasadii dibada oo salka loo dhigay iyo soomaaliya oo dawlada aduunku u istaageen la siiyayna tixgalin qaranimo iyo dawladnimo.
Maaliyadii dalkeena oo Guutada Dr BAYLE salka u dhigeen oo mariyeen wadiiqo dhab ah iyo tubtoosan iyagoo ku jaan gooyay cilmiga maaliyada iyo bangiyada heer la arko heerkii usareeyay caalamka.Nidaamkaa maaliyadeed waxaa salka u dhigay wiilkaa gaaban ee soomaaliyeed Dr BAYLE oo shaarbaha u maleega habeen iyo maalinba sidii uu hanaankii dawladnimo ee maaliyadeed dib uugu soo dabaali lahaa dalkeena,isagoo bilaaya dalkeena.
Dr Bayle iyo ragiisu Waxay kala hufeen oo haadiyeen qubanihii nidaamka maaliyadeed ee sida ba an uburburay dalkeena oo aan lahayn meel laga qabto iyo wax raja ah midna.Caalamkii iyo dalalkii aduunka ayay lama filaan ku noqotay sida uu aqoon yahanka soomaaliyeed iyo ragiisu u dajiyeen dhaqaalaha dalkeena una maareeyeen waxa dakhli soo xerooda,waxa baxa iyo qaab uruurintiisaba. wiil weeye taariikhdu xusu doonto soomaalina ku faanto Dr Bayle.
Daraad ayaa dr bayle kula kulmay cariga maraykanka haweeynayda haysata hay ada lacagta aduunka IMF tasoo lagu magacaabo KRISTALINA.markii hay adan iyo baanka aduunkuba arkeen nidaam maaliyadeedkeena,markay arkeen sida wanaagsan ee aan lahayn wax is daba marin iyo musuqmaasuq ee wasaaradeena maaliyada iyo guud ahaan dawladeena hada jirta dhan walboo laga ee gay,waxa la garwaaqsaday in layna siiyo uugu horayn kalsooni buuxda,si buuxdana laynoo aamino in soomaalidu tahay dad hada u naxaya dalkooda iyo dadkooda oo raba hormar dhab ah nidaam iyo kala danbayn dawladnimo.
waxaana lago aamiyay in wax laynala qabsado dalkeena la maal gashado,aynu samaysano lacag shilin soomaali ah,la abuuro mashaariic lagu shaqaalaysiinaayo 4000 000 afar malyuun oo qof oo soomaaliyeed. waxaa la abuurayaa nidaam maal galineed oo wax soosaar sida warshado khayraadka bada iyo beeraha iyo xoolaha. soomaaliya waxay helaysaa biljanis doolars oo dalkeena dib loogu dhiso. waxaas oo dhami kuma imaan dhib yaraan dawladeena ayaa ah dawlad leh sharaf iyo qiimo oo la jaan qaaday dawladaha aduunka.
waxaana ka go an dawladeena in ay soomaaliya la sinaato dawladaha aduunka iskana diido quursi iyo sharaf xumo inagoo ah dad gob ah ma qaadan karo gunimo. hadaba soomaaliyeey markii nicmadaa iyo isbadalkaa wayn illaahay ina siiyay oo madax fiican inoo soo hormariyay waa in aan adeecnaa oo la shaqaynaa madaxdeena rabbina u mahad celinaa.
Hadaynu caasino wanaagaa aan uwada jeedno oo muslim iyo gaalaba dawladihii aduunku inoo qireen in soomaaliya hore usocoto,waxaa inagu dhacaysa cadho illaahay iyo ciqaab.xuduudaha dalkeena waa in lasugaa bad iyo bari iyo hawada intaba markaa shaqo xoogleh ayaa inoo taala soomaaliyeey dalkana inaga iska leh oo waa in aan jiilasheena danbe iyo kuwa hadaba u diyaarinaa nabad iyo dawladnimo iyo dal dhisan oo ay illahay ku caabudaan iyagoo walaalo ah oo soomaali ah.
Adaa daalayee qabiil la ogaayoo qaran noqon waa! soomaalina la ogaayoo adaa kala qoqobaayee oo kala qaybinaayee waa isku isir,isku diir,isku dad,isku diin isku dal,isku af,isku calan. waxayna cadawgooda gudaha iyo kan dibada isaga celin karaan iyagoo gacmaha iswada qabsada oo dawlad ah. soomaalinimo iyo dawladnimo ayaa qof kastoo soomaali ahi wax ku yahay wixii kale waa hoog iyo halaag iyo baaba.
waan u mahad celinayaa wasiirkeena dr bayle waxaana aad uugu faraxsanahay kuna faanayaa anoo ah soomaali in uu naga dhasho dr bayle. waxaana aad u rajaynayaa in dadkeena soomaali ay dhisayaan dalkeena mudo yar gudahoodna ay ka dhigayaan dalka uugu dhismo qurux badan afrikada bari uuguna nolasha fiican illaahay idamkiis maxaayeelay dadka soomaaliyeed waa fariido markii shacabka iyo dawladu jaantaa isla helaan taasoo taagan hada.
Waxaa xusid mudan Madaxweynaheena mudane Farmaajo oo inoo jeexay wado iyo nidaam dawladeed oo dalkeena ku cusub.kaasoo ah in uu raysalwasaaraha dalkeena khayre madaxweynuhu u madax baneeyay shaqadiisa isagoon ku fara galin. sidoo kale Raysal wasaare khayre uu Wasiir dr bayle iyo wasiirada kalaba u madax baneeyay shaqadooda taasoo keentay in dr bayle shaarbaha maleego dalkeenana samatabixiyo heer daymankii laynaga cafiyo oo lacag samaysano dunidana la macaamil tano wakaa hadaba soomaaliyeey dawladnimadu waa sidaa dimuqraadiyadu.