Taliyihii ciidamada NISA ee G/Banaadir oo xilkii laga qaaday iyo Taliye kale oo si KMG ah loo magacaabay.

Muqdisho:-Taliyaha Hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii NISA ee gobolka Banaadir.

Fahad Yaasiin ayaa goor dhaw xilkii ka qaaday Taliyihii Nabad sugidda ee gobolka Banaadir Ibraahim Macalin.

Taliyaha NISA Fahad Yaasiin ayaa xilka Taliyaha Nabad sugidda gobolka Banaadir si ku meel gaar ah ugu magacaabay Ciise Maxamed Ciise.

Dhanka kale Taliska NISA kama bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan xil ka qaadista maanta lagu sameeyey Taliyihii hey’adda Nabad sugidda gobolka Banaadir.