Koox hubeysan oo askar ka tirsan Ciidamada Dowladda ku dilay Muqdisho.

Koox hubeysan ayaa maanta labo Askari oo katirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliy, waxay ku dileen Meel ku dhaw Isgoyska Ex Coontarol Afgooye ee Magaalada Muqdisho

Goobjoogayaal ayaa sheegay in askarta la dilay ay ahaayeen kuwa canshuuraha uruuriya, iyadoona kooxda dilka geysatay ay goobta kabaxsadeen, iyadoona goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan booliska soomaaliya.

Meydadka Askartaasi ayaa waxaa Goobta ka qaaday Ciidamo kale oo katirsan Dowladda federaalka Soomaaliya.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Taliska booliska soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto Askarta ka tirsan Ciidamada dowladda Federaalka iyo dadka shacab ah.