Duqa Muqdisho oo daah-furay Tababar lagu baranayo Talaalka Carruurta+Sawirro

Muqdisho:-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Xarunta aqalka dowlada hoose ee Xamar ka daah-furay tababar socon doona muddo 5-Cisho ah, kaas oo lagu baranayo muhiimada uu talaalka u leeyahay carruurta.

Tababarkaan ayaa waxaa soo agaasimay waaxda caafimaadka iyo Faya-dhowrka Dowladda hoose ee Xamar iyadoo ay ka qeybgali doonaan howl-wadeena ka socda M.C.H-yada ku yaalla degmooyinka gobolka Banaadir iyo sidoo kale xubna ka socda hey’adaha UN-ka,UNICEF iyo W.H.O.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa waxa uu boggaadiyay dadaalada kor loogu qaadayo wacyigalinta Talaalka.

“Waxaan marwalba u taaganahay xoojinta daryeelka carruurta Soomaaliyeed iyo siddii ay u heli lahaayeen nolol ku haboon, ka maamul ahaan waan boggaadineynaa in la dardargaliyo wacyigalinta, muhiimada uu bulshada u leeyahay Talaalka sidoo kale in degmooyinka Muqdisho laga fuliyo Talaal tayo leh”ayuu yiri duqa Muqdisho.