Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo kulan la yeeshay Wasiiru-dowlaha arrimah dibadda Suudaan

Khartuum:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Danjire Ahmed Ciise Cawad ayaa kulan la yeeshay Wasiiru- dawlaha arrimaha dibadda ee jamhuuriyadda Suudaan Omar Qamarudin ,waxaana ku weheliyay danjiraha safarada Soomaaliya ee dalka Suudaan Maxamed Sheikh Isxaaq iyo xubno ka mid ah diplomaciyinta Safarada.

Kulankan ayaa looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xirirka Soomaaliyaa iyo Suudaan ka dhexeeya.

Dhanka kale Wasiirka arimaha dibadda iyo Iskaa-shiga caalamiga ah danjire Axmed Ciise Cawad ayaa xariga Ka Jaray xarun-cusub oo ay ku shaqayn-doonto safarada Soomaaliya ay kuleedahay dalka Suudaan.

Wasiirka ayaa booqday dhammanba Xaafiisyada kala duwan ee ay ku shaqeeyaan diplomaciyinta, iyadoo Wasiirka uu ku bogaadiyay shaqadda wanaagsan ee ay bulshadooda u hayaan, sidoo kalana kula dardarmay in ay sii laba Jibaaraan hawlaha ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa sheegay in Wasaarada arrimaha d ibadda ay guulo wayn ka gaartay sidii ay bulshada Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha caalamka ay u heli lahaayen adeegyada ay kagaga baahan yihiin Safaradaha dowlada ay ku leedahay caalamka, iyagoo loogu adeegayo hanaan ku dhisan hufnaan iyo islaa xisaabtan, si muwaadin kasta u helo xuquuqdiisa.