Mas’uul ka mid ahaa musharixiintii madaxweyne ee ASW oo meydkiisa laga helay xerada Inji ee Dhuusamareeb.

Axmed Maxamed Kooshin oo ka mid ahaa musharixiintii ASW ee ka qaybgalay doorashadii Sheekh Maxamed Shaakir ku sheegtay in uu yahay madaxweynaha Galmudug ayaa meydkiisa laga helay xerada Inji kaddib markii ciidanka dowladda federaalku la wareegay xearada.

Kooshin ayaa ka mid ahaa dadkii ku wehleiyey xerada Inj hoggaamiyeyaashii ASW intii uu socday dagaalkii qaatay labada maalin ee sababay in ay isdhiibaan ciidankii iyo madaxdii ASW, sida ay Mustaqbal u sheegeen xubno kamid ah hay’adaha nabadgelyada Dhuusamareeb Kooshin ayaa geeriyooday maalinkii koowaad ee dagaalka.

Dagaalkii ciidanka dowladdu ku qaadday xerada Inji ayaa sababay illaa hadda inta la xaqiijiyey 2 Askari iyo Axmed Maxamed Kooshin, illaa hadda ma jiro war ku saabsan dagaalkaas oo ka soo baxay Galmudug iyo dowladda federaalka midkood.

Macalin Maxamuud oo ahaa hoggamiyihii ASW ayaa u safray Garoowe isaga oo ku sii jeeda Sucuudiga halka Shaakir iyo Ashcari lagu wado in ay sii joogi doonaan gobolka.