Kenya oo xabsiga dhigtay Xildhibaano Soomaaliya Yimid.

Muqdisho:-Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in dawlada Kenya ay maanta xabsiga u taxaabtay xubno ka tirsan baarlamaanka gaar ahaan waqooyiga Bari ee dalkaasi Kenya, kadib markii ay safar qarsoodi ah ku yimaadeen magaalada Muqdisho ee Caasimada u ah Soomaaliya .

Xubnahan oo gaaraya ilaa Siddeed xubnood oo ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya ayaa waxaa laga qaybtay garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi ee Wilson,waxaana gacanta ku dhigay ciidamada dambiyada culus iyo unugyada la dagaalanka waxa ay ugu yeedheen argagixisada, kuwaas oo su’aalo ka weydin doona safarkoodii sirta ahaa ee ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho.

 

Sidoo kale, wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in ay xildhibaannadani ayaa Sabtidii toddobaadkan waxa ay soo gaadheen magaalada Muqdisho oo ay la kulmeen qaar ka tirsan madaxda sar sare ee Soomaaliya, iyagoona maanta oo ay dib ugu laabteen magaalada Nairobi lagu qabtay garoonka gudihiisa.