Guddiga diyaarinta xeerarka dhameystiraya sharciga doorashooyinka Qaranka oo la magacaabay.

Muqdisho:-Guddigaan oo xubno ahaan gaaraya 17 xildhibaan ee ka kala tirsasn labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaqadiisu ay tahay inay ka shaqeeyaan xeerarka hoos imaanaya sharciga doorashooyinka qaranka ee uu dhowaan saxiixay madaxweynaha dowladda soomaaliya maxamed cabdullahi farmaajo sida lagu sheegay warqadda sida wadajirka ah ay usoo saareen guddoonnada labada ee baarlamaanka soomaaliya.

xeerarka hoos imaanaya sharciga doorashooyinka qaranka ee laga doonayo inay ka shaqeeyaan guddiga la magacaabay ayaa waxa ay kala yihiin.

1-xeerka deegaanmeynta kurasta baarlamaanka.

2-xeerka xaqiijinta qoondada haweenka ee soo gelaya baarlamaanka.

3-xeerka dorashada xubnaha labada aqal ee kasoo jeeda gobolada waqooyi ee Soomaaliland.

4-xeerka xuquuqda metalaadda gobalka Banaadir.

sababta xeerarkaan looga soo shaqeynayo ayaa lagu tilmaamay in ay tahay usahlidda codbixiyeyaasha iyo inay doorashada noqato mid qaran oo lawada leeyahay si sharciga doorashooyinka ulahaado muggiisa.

Warqadda labada guddoon kasoo baxay ayaa lagu sheegay in guddiga la magacaabay ay la shaqeeyaan guddiga doorashooyinka qaranka ee u idman qabashada doorashooyinka guud ee dalka islamarkaana wadatashiyo ay la yeeshaan madaxda dowladda, madaxda maamul gobaleedyada, hay,adaha ammaanka ee dalka daneeyeyaasha siyaasadda soomaaliya iyo ururada bulshada rayidka ah.

Muddo bil ah ama bil iyo bar ayaa looga fadhiyaa guddigaan inay kusoo dhammeeyaan xeerarka kaabaya sharciga doorashooyinka qaranka ee afarta gaaraya ayna horkeenaan xildhibaannadda labada aqal ee baarlamaanka soomaaliya kulankoodii wadajirka ahaa kolka ay yeeshaan si ay warbixinta usiiyaan.

Sharciga doorashooyinka qaranka ayaa waxaa horay uga horyimid madaxda maamul gobaleedyada dalka ka jira qaar ka mid ah kuwaa ayaanan la ogyen haatan sida ay ku yeelayaan wadatashiyada la doonayo in lagala fadhiisto xeerarka hoos imaanaya sharciga doorashooyinka qaranka.