Diyaaradaha dagaalka Kenya oo madaafiic ku garaacay Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Diyaaradaha dagaalka ee ay leeyihiin Militariga Kenya ayaa xalay saq dhexe duqeyn ka geystay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, waxaana la maqlayay jugta hubka culus ee ka dhacayay diyaaradaha.

Xasan Aadan Biixi oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada DFS ee ku sugan Degmada Ceelwaaq ayaa sheegay inay arkeen tiro madaafiic ah oo ka dhacday diyaaradda oo ku dhacday Xarun Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay Degmadaas.

Sarkaalka ayaa tilmaamay in diyaaradda duqeynta geysatay ay dhowr jeer sidaan oo kale weeraro ka fulisay qaybo katirsan Gobolka Gedo gaar ahaan Tuulooyinka hoostaga Degmada Ceelwaaq.

Ma uusan sheegin waxyeelo ka dhalatay, balse waxa uu shaaciyay in ay baaritaanno ku wadaan 11-Gantaal oo ay tuurtay Diyaaradda Militari ee Kenya leedahay.

Dadka shacabka ayuu tilmaamay in ay lasoo deristay cabsi ay ka qabaan waxyeelo ka gaarto duqeynta diyaaradda oo noqotay mid aan u meel dayeen Xarumaha iyo guryaha ay degen yihiin dadka shacabka.

Sarkaalka ayaa ku hanjabay in DFS ay u gudbinayaan qoraal dhameystiran kolka ay soo dhameeyaan xog baarista duqeynta oo ay wadaan, si wax looga weydiiyo, maadaama ay ogolaanshiyaha AMISOM ay ku joogaan dalka.

Dhowr jeer oo hore Diyaaradaha dagaalka Kenya waxa ay bartilmaameedsadeen Anteenooyinka Shirkadaha Isgaarsiinta Degmooyinka dhaca Soohdinta dalkaas, waxaana mararka qaar qaraxyo ku xira Ciidamada Kenya sida gaarka u tababaran.