WHO oo Digniin ka soo saartay Cudurka Coronavirus iyo khatarta uu leeyahay.

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa qiimeyn ay ku sameysay caabuqa coronavirus ku tilmaantay inuu khatar sare ku hayo dunida.

Balse WHO ayaa sheegtay in weli ay jirto fursad wax looga qaban karo caabuqa haddii laga hor istaago faafitaanka.

Madaxa WHO Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sidoo kale sheegay in cabsi iyo xog khaldan oo xanuunka ku saabsan ay yihiin cabaqadda ugu weyn ee ay tahay in wax laga qabto.

In ka badan 50 dal ayaa haatan soo weriyay kiisas caabuqa coronavirus ah.

Ilo laga soo xigtay waaxda caafimaadka Iiraan ayaa BBC-da u sheegay in ugu yaraan 210 qof ay u dhinteen caabuqa. Tiradan ayaa lix jeer ka badan tan ay shaaciyeen saraakiisha dowladda.

Shir jaraa`id oo uu ku qabtay magaalada Geneva, ayaa Dr Tedros wuxuu ka sheegay in inta badan kiisaska wax laga qaban karo, isla markaana aa wax caddeyn ah loo heyn in caabuqu uu si fudud ugu dhex faafayo bulshada.

Dr Mike Ryan, oo isagana ah madaxa WHO ee Barnaamijka Caafimaadka Degdegga ah ayaa sheegay in digniintan loogu talo galay inay hagto dowladaha, maaddaama uusan hannaanka caafimaadka dalalka u diyaarsaneyn caabuqa.