Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo ka qeybgalay munaasabad lagu dhaarnaayay Ciidamo Kumaandos ah.

Muqdisho:-Wasiirka Difaaca Iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Oo Kaqaybgalay Munaasabad Lagu Dhaarinayay Cutubyo Katirsan Ururka 5aad Kumaandooska Xoogga Ee Gor-gor, Munaasabadni lagu qabtay dugsiga Turksom ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa kaqaybgalay Wasiirka Gaashaandhiga X.F.S iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo katirsan xoogga dalka iyo Turkiga.

Munaasabada ayaa ururka 5aad gor-gor kumaandooska xoogga waxeey kusoo bandhigeen toolas soo jiitay kaqaybgalayaasha munaasabada iyo gaadakacayaar waxaana lagu dhaariyay goobtaasi.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa kahadlay goobta ayaa sheegay in askarta ururka 5aad in laga kala keenay inta badan gobola dalka wuxuuna intaasi kudaray inay farxadgalineeyso qaabka ay tababarka uqaadanayaan.

Wasiirka Difaaca Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed oo munaasabada kahadlay ayaa sheegay in ciidankan tababarka kuqaadanaya dugsiga turksom dadaal badan lagu bixiyay islamarkaasna laga doonayo in dalka ay kadifaacan cadawga.

Wasiirka ayaa gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed ayaa tilmaamay in ciidankan ay kusoo aadeen waqti aad uqiima badan dib udhisna uu kusocda Ciidanka Xoogga Dalka.

Askartani maanta ladhaariyay ee katirsan kumaandooska xoogga dalka ee gor-gor ayaa tababar kuqaadandoona dugsiga turksom markii ay dhameeystaan kadib waxeey tababar kale oo intaasi kaasi dheer ayay kusoo qaadandoonaan dalka turkiga.