Siyaasada, waxaa wax lagu kala qaybsadaa hadba inta uu yahay miisankaada

1) Booqashada Malaaq Cali Malaaq Maxamed, Malaaqa Beesha Mudulood, oo booqasho ugu tagay MW hore Cali Mahdi Maxamed, aad ayaan u soo dhaweynayaa, amaan iyo boogaadina ayaan u gudbinaya, anoo u arko ama u fasirayo mid tusmo iyo fariin midnimo loo diraya dhammaan BeelWeynta Mudulood.

Sharafta iyo ixtiraamka Duubabka waa midda isku xirto, midayso, xoojiso BeelWeynta Mudulood, Malaaq Cali Duubka u Duuban Abgaal Cusmaan, maanta waa aastaanta dhaqanka Beesha Abgaal Cismaan qofka aan fahmin, ama fahmi la’ ama ogoleen waa mid diidan xaqiiqda oo lid ku ah danaha, midnimada iyo hor’umarka BeelWeynta Mudulood.

Xaqiiqda, Mudulood hal doon ayuu saaran yahay oo hadday degto ama quusato ama tiimbato cidna dan uguma jirto oo cid ka badbaadayso aan jirin.
Marka Aqliga ha shaqaeeyo.

2) Midda kale aan rabo in ay cadaato waa hadalkii uu MW hore Cali Mahdi Maxamed ka jeediyay shirweynihii BeelWeynta Mudulood:
Cali Mahdi wuxuu yiri: “Mudullood waxaysan Rabin cid Soomaaliya ka Samayn kartaa ma jirto” u dhigmato:
Mudulood wuxuuna raali ka ahayn Soomaaliya kama soconayaan.
Waa runtiis, wuxu uu ka hadlayo MW hore Cali Mahdi waa miisaanka culus ay Belweynta Mudulood ku leedahay Waddanka iyo Bulshada Soomaaliyeed.
Aduunka miisan ayaa wax lagu kala qaybsadaa, lagu kala qaataa, lagu kala awood badan yahay, qof ama qoom ama Qabiil ama Xisbi kaa dad badan, kaa dhaqaale badan, kaa deegaan weyn, wuu kaa culays badan yahay, wuu kaa awood badan yahay sida Dal kaa awood badan, kas Ciidan badan, kaa dhaqaala badan, waa Dal kaa miisan culus, hadii uu kaa miisan culus yahayna waa midka lala tashto oo looga dambeeyo go’aan.
Siyaasada hadba culayska aad leedahay ayaa wax ku qaadanaysaa.

Dr. Abuukkar Nuur Xuseyn.