Wasiir Qadiijo haloo sheego: Dowlad kasto tabarta ay leedahay ayee adeegsataa

Ku: Wasiir Qadiija M.Diiriye.
Ka: Dr. Abuukar Nuur Xuseyn.

Dowlad kasto tabarta ay leedahay ayee adeegsataa.
Soomaali hadaan nahay Tabarteena ayaa intaas la eg.

Anoo xushmad iyo qaddirin uu haayo xilka Wasiirnimada aad maanta xambaarsan tahay, aad qayb ka tahay madaxda Dowladda Qaranka aan maanta heysano oo tusmo iyo tusaalo noo noqon lahaa, waxaa waajib igu ah muwaadan ahaan iyo Takhtar ahaan in aan kuu soo gudbiyo qoraalkan kooban oo sii dabaracaayo dhaqanka aan wanaagsaneen oo aad kula dhaqantay shaqaalaha ku howlanaa baritaanka cudurka Koronovirus ( Covid19) oo maalin kasto taagan garoonka diyaaradaha Muqdisho si ay ugu hortagaan in dadka virruska qaba aysan magaalada iyo shacabka ku nool u gudbin, ilaa iyo maanta uu viruskan ka masuul noqday 3000 dhimasho iyo
Inta viruskan jirkooda laga helayna ay kor u dhaafeen in ka badan 150.000.

Waxaan kaloo Wasiir hadii aad la socon in Viruska uu fara kulul iyo dhimasho ku haaya Dalka Iiraan, oo ilaa iyo hadda dhimashadooda caga cageenaysa dhowr iyo 30 qof, inta qaadayna aan xisaab lahayn.
Hadii marxaladda aduunka ay saan tahay oo Dowladihii awooda iyo aqoonta u lahaa caafimaadka ee saan ula tacaalayaan cudurkaan halista ah iyagoo qalabka ugu casriyeesan adeegsanaya, maxaad u malayn karta Dowlad faqri ah sida Soomaaliya oo sida aad ka warqabto aan lahayn adeeg caafimaad oo lays ku haleen karo, shacabkeena 80% ay ku nool yihiin saboolnimo.

Waa run in shaqaalaha garoonka Aadan Cadde ka baara dadka cudurka Covid19 aan haysan qalabka ku haboon, haddana waa dhalinyaro muddan amaan iyo bogaadin iyo in lagu shugriyo oo lagu dhiiri geliyo shaqada muhiimka ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan rajaynayaa in aad raali gelin buuxdo aad ka bixisid Dhaqanka aan wanaagsaneen aad adeegsatay islamarkaana aad cafis weydiisatid shaqaalaha aad awooda dowladeed u adeegsatay adoo muujisay in sharcig iyo shuruuda Qaranka aad midna xurmo u hayn.

Dr. Abuukar Nuur Xuseyn.