Ogoow, Qoraalada Shinaha iyo Siyaasaduba sida ay u muuqdaan ma ahan!!!=Nasashada Jimcaha. Q-189aad=

1-Laba Nin oo cabtooy ah ayaa arakeen Dayaarad hawada sare maree. Mid ayaa yiri: Dayaaraddaa Madaxweynahii ayaa saran. Kii kale ayaa yiri: ma Saarno, waxaana ku ogaaday haddii uu saran yahay, Dayaarada waxaa dhinac socon lahaa, Ciidamo koofiya Casa oo wadato Gaadiid tekniko ah, wadooyinka Sarena waa la xiri lahaa. ( F.S:1aad)

( Madaxdu Dhulka dushiisa iyo Cirkaba waa naga xireen, ee Alloow ayna dhulka hoostiisa naga xirin)

2-Laba wiil oo yar yar ayaa la jiifan jiray Qol kaliya Aabe iyo hooyo. Habeen Jimca ah ayaa wiilashii oo hurday ayaa midkii weynaa ku soo toosay Hooyo oo dhadhaminee Caano Aabe loo keenay, wax yar kadib waxaa yimid Aabe, Caanihii ayuu cabay, Feeynuustii ayuu gaabiyay, kadibna waa la jimceeystay. Jimcihii xigay ayaa wiilkii yaraa waxa uu arkay Caanihii waana soo qabtay si uu u dhadhamiyo. Kii weynaa ayaa Gacanta ka qabtay oo ku yiri: Adigu Jimcihii hore waad hurdeeysay, Caanahaan ha isku dhadhamin, Haddaad ogaan leheeyd qofkii dhadhamiyo sida uu Aabe uga qeylisiinaa. Hooyo ayaa Jimcihii hore dhadhamisay,tii ku dhacday, seey u qeylisay ,yaan Aabe kaa qeylisiin. ( F.S:2aad)

( Madxtinimo Qofkii isku dhadhamiyo,………..)

3- Nin Baar fadhiyo ayaa waxaa soo dhinac fadhiistay Nin Shiinees ah, waxaa uuna cabayay Khamri. Ninkii ayaa ku yiri: waxaan ku weeydiinayaa Ma taqaan, Karatee, ama Kung Fu?. Kii Shiinaha ahaa oo sakhraansan ayaa sii caro leh u yiri: Ma aqaan ee maxaad ii weeydiisay ma in aan Shiinees ahay Darteed?. Ninkii ayaa yiri: Mayaa, waxaan rabay in aan ku garaaco, Haddii aadan aqoon, sababta oo ah, Khamriga aad cabeeyso waa keeygii. ( F.S:3aad)

( Haddii Cadawgaagu Xoog kugu tuhmo, Adigu ha is xaqirn)

4- Koox Arday Somaliya ah oo wax ku baraneysay Dalka Shiinha ayaa loo fasaxay in ey Magaalada ku soo wareegaan, Mid Reer Gaalkacyo ahaa oo Ardayda ka mid ahaa ayaa Arkay Albaab ey ku qoran tahay Calaamadan. ( F.S: 4aad)

Waxa uu yiri: Annigu waan idinka haraa, waxaan ballan ku leeyahay Albaabkaa, waxaa lagu yiri: war Adigu Bilba ma aadan joogin, maxaad ka taqaan waxa ku qoran Albaabka. Waxa uu yiri: Doqon baa tihiin, Calaamada ayaaba muujinee.

Markii uu galay ayuu ugu tagay dhakhaatiir, Calaamaduna waxa ey aheeyd “ Waxaa si mutadawacnimaa Bukaanka ugu deeqayaa Kilideeyda”.

Isgaa dhinac ka dhiigayo ayaa laga qaaday illinka dambe ee Isbitaalka.

( Ogoow, Qoraalada Shinaha iyo Siyaasaduba sida ay u muuqdaan ma ahan)

5- Laba Xildhibaan ayaa Xajka aaday, maalintii dhagax tuurka ayaa mid dhagax tuuray, Sheeydaan sii jeedo ayuu duudka xub uga siiyay, Sheeydaankii ayaa soo jeestay. Oo ku qeeyliyay: yaa, yaa, waryaa hebel, maantana ma Adigaa i dhagax tuurayo, soow Adigii aan saaxiibada aheeyn, oo aad taladeyda qaadan jirtay, Codkaaguna uu iibka ahaa, ma Annagaa kala dambi yar. ( F.S: 5aad)

( Raali ahaaw, hadduu Xildhibaankaagii ahaa)

6- Caasho Qaliir ayaa waxa ey laheed Biri ( dabo) yar, aad ayeey u dhibsatay, Gabdhaha Xaafadda oo ku Foorjeey jiray, tan xataa haddii ey Isbitaalka tagto meel laga duro male, Cirbada ayaaba Lafaheeda mudee. Habeen iyada oo maree Luuq mugdi ah ayeey Jini ku istaagtay. Jinigii oo careeysan ayaa ku yiri: Maxaad iigu istaagtay?. waxa ey tiri: Kuuma jeedin ee iga raali noqo, Anigaaba iska murugeeysane. Waxa uu ku yiri: Raali waan kaa ahay ee waa maxaay murugada ku heeyso? Waxa ey tiri: Daba yari ayaa la igu nacay. Waxa uu ku yiri: Annigaa xal kuu hayo. Mar kasta oo qof ku yiraa: iga raali noqo, Biridaada waxaa ku darsamayo Nus kilo.

Subaxdii ayeey waddada martay, Nin ayaa ku dhacay ,waxa uu yiri: Iga raali ahaw, Nus kilo ayaa ku darsantay Birideedi, wiil ayaa hadana ku istaagay waxa uu yiri: Raali ahaaw, Nus kale ayaa ku darsamay. Wadaad waddada marayay ayaa ku dhacay, waxa uu ku yiri: Gabarteey kuuma jeedin ee Kun jeer iga raali ahaaw.,kun jeer ayaa dabadii weynaatay.

Hadda dadkii ayeey la’dahay meel ey ka marto, waxaa loo yaqaan Caasho Dabo weeyn. Dadka intee looga fakanaa. ( F.S: 6aad)

(Haddii Dambi lagaa galo ee Raali ahaaw lagu yiraa, Aqbal. Haddii Reer Magaalku ey kugu badaiyaan Raali ahaaw, Doqonnimana waa loo qaadan karaa, ee yaan Dabadu kaa weeynaan)

Qore: Yahya Amir