Ilyas ” Dulqaadkii baa dulqaadka ka dhamaadey…”

Xasan Sheekh Maxamuud 4 sano ayuu Soomaaliya madaxweyne ka ahaa in maqaamka Muqdisho u doodo iska daa xitaa kama hirgelin hal iskuul ama hal isbitaal oo lacag la’aan dadka danyarta lagu daaweeyo.

Magaalada Muqdisho waxey Dowladda Federaalka siisaa canshuur ka badan 150 milyan oo dollar sannadkii. Dadka deegaanka degan wax qadimaad ah ( service) ah oo ku soo laabto ma jiro. Dowladdii Xasan Sheekh iyo mida hadda Formaajo hogaamiye xitaa waxey awoodi waayeen in magaalada ka hirgeliyaan hal iskuul waxbarasho oo dadka saboolka ah caruurtooda wax ku bartaan ama hal isbitaal oo lagu daaweeyo.

Hal iskuul oo 10 macalin iyo maamule leh 50 kun dollar baa sanadkii ku filan in lagu socodsiiyo. 150 malyan dollar canshuur ah bixi waxna yeysan kugu soo noqon waa ayaandarro, iyadoo sidaas ah ayaa shacabka Muqdisho ku nool la leeyahay waa dowlad diid.

Ma dowlad Soomaaliyeed baaba jiri lahayd haddii aysan ahayn canshuurta shacabka Muqdisho bixiyaan. Miisaaniyadda Dowladda Federaalka kala bar waxey ka timaadaa canshuurta ay bixiyaan shacabka Muqdisho ku nool barka kalena Beesha Caalamka ayaa ku deeqda.

Magaalada Muqdisho amni kama jiro, isku socod ma jiro oo wada walba dhagxaan baa lagu gooyey. Gabadha foosha haysa lama gaarsiin karo isbitaaladii magaalada, ganacsigii hakad buu galey iyadoo magaalada sidaa u xiran qaraxyadii wey dhacayaan oo Al Shabaab baa ganacsatadii weli baada.

Waxaa intaas u sii dheer dadka magaalada Muqdisho ku nool oo 3 malyan ka badan ma laha matalaad. 54 sanator ee Aqalka Sare fadhiya waxaa matalaan 5-ta dowlad gobolleed iyo Somaliland.

Muxidiin Darbaweyne in uu xanaaqo oo ku sigto in uu gacan qaado xaq buu u leeyahay. Dulqaadkii baa dulqaadka ka dhamaadey.

Ilyas Mohamud Hussein