Deg deg:- Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna oo hadda  ka socda Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug waxa ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ahlu sunna, waxaana iska hor imaadka uu si gaar ah uga socdaa Agagaarka Xarunta Inji oo ay degen yihiin Madaxda Ahlu sunna.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay saxaafadda in Ciidamo ka tirsan Booliiska DFS gaar ahaan Haramcad ay weerar ku galeen Xarunta Inji oo la soo sheegayo in rasaasta ay ka socoto Gudaha Xaruntaas.

Labada dhinac ee dagalaamaya ayaa la soo warinayaa in khasaare dhimasho iyo dhaawac uu kala gaaray inkasta oo aan lahayn Tirada ay gaarsiisan yihiin, waxaana istaagay dhaq-dhaqaaqa Magaalada Dhuusamareeb.

Dagaalka ayaa daba socda dagaal xalay ka dhacay iska goobta lagu dagaalamay, kadib markii ay israsaaseeyeen Ciidamo ka kala tirsan Booliiska Dowladda iyo kuwa Ahlu sunna, inta la xaqiijiyay dagaalkaas waxaa ku dhintay Askari ka tirsan Ciidamada Haramcad.

Warqad ka soo baxday Hogaanka Ahlu sunna Saacado kahor waxa ay Dowladda Federalka ku eedeeyeen in Magaalada Dhuusamareeb ay ka hurineyso dagaal ka dhan ah Ahlu sunna sida ay hadalka u dhigeen.