Cali Mahdi ” Musmaar Sumeysan”

Shirar badan ayey qabteen Muddulood intii ay dhismeen dowladihii isdaba yiilay cid colaad u aragtayna waa yareedLaakin shirkii dhacay malamahaan maxaa kuwii hore ka beddelay oo sababay inay qaylo dhaan badan ka timaado siyaasiyiin qaadan waayay inay reer Banaadir dareemaan darxumada lagu haayo, kana shiraan sidii wax la yeeli lahaa.

Arrinta waxaa aad u murjiyay oo soo toosiyay kuwa filaayay inuu Muddulood weli hurdadii kasoo toosin, wixii la doonanana lagu fulinkaro.. waxaase siyaasiyiinta qaarkood xanuunijay soo noqoshadii Cali Mahdi oo kunaqday MUSMAAR SUMEYSAN oo muuqaalkiisu wax weyn ka beddeli doono wadciga maanta jira.

Cali Mahdi waa halyey aan helin dadkii garabsiin lahaa oo qorshaha uu damacsanaa la meelmari lahaa….kuwa maanta qeylihaaya waxay ogyihiin in Cali Mahdi muuqaalkiisu wax weyn ka beddeli doono sida ay howsha u socoto iyo weliba markow u adkeysan waayay sida ay wax ku wadaan Farmaajo & Kheyre ay khasab ku noqotay inuu dib ugu soo laabto masraxa oo ay daadsan yihiin dadkaan u baahan hogaan geesi ah oo kalsooni isku qaba. Badbaadi kara bulshobeledkoodi la boobaayo. Waxaana hubaal ah inaan shirka Muddulood la qabteen haddusan asagu soo fara gelin si gambasho la’aan ah ugu dhawaaqay inaan shir naloo diidi karin.

Halla ogaado cilmiyan inaan ummadi weligeed guuleysan haddi aysan lahayn ZACIIM HOGAAMIYA oo la wada oggol yahay, warkiisana  la maqlaayowaxaa iga talo ah inaan raadsano hogaamiye geesi ah oo Ilaahey kaliya ka cabsada, howsha uu haayana ay tahay mid qaran oo ummad dulman lagu xureynaayo.

Marna yaan loo qaadan inaan yareynaayo ama yasaayo labadii Madaxweyne ee na soo maraySheikh Shariif and Xasan Sheikh oo ah geesiyaal ka soo dhex baxay bulsho sumeysanoo qabiil waalay.

Waxay fuliyeen howlo iyo mashaariic ciddi iyaga ka dambeysay ay kacaajiseen qaarna ku fashilmeen kaddib markii ay burburiiyeen dowlad goboleedyadii uu dhibaatada badan ka soo maray MW XasanSheikh, waana loo aqoonsan yahay guulahaas ee Ilaahey ha ka abaal mariyo asaga iyo Shariifka iyo intii kale ee gacan ka geysatay ee la garabgashay. Shacabkuna waa u aqoonsan yihiin haddii laga reebo inta yaro uurka ka jiraan

Axmad Calasow