Shirkii Mogadishu Guest House waa Bilowga Soomaalida Cusub!

Miyi iyo Magaalo, Gudaha & Dibadda, meel walba ayaa laga hadal hayaa Shirkii 23 February ka dhacay Magaalada Muqdisho, Muxaafad iyo Mucaarad iska soo horjeedo ayaa laga dhaxlay Shirkaasi oo ahaa mid wada Tashi ah!

Hadal-heyn badan ayuu dhaliyay, aragtiyo is-diidan ayaa laga bixiyay, taageerayaasha shirkaas ayaa rumaysan in kulankaasi uu ahaa mid Hiil u ah Nabadeynta iyo Dawladdnimada Soomaaliya! hase yeeshee Mucaaradka shirkaasi ayaa Aaminsan in kulankaasi Dib u dhac mooyee aan wax faa’iido ah laga Macaashi doonin.

Lama inkiri karo inuu shirkaasi ahaa
mid Culus, Rag isugu jirey Madaxweynayaal, Siyaasiyin caan ah, Generaallo, aqoonyahanno, Duubab dhqan oo Waaweyn, haween Maamuus leh iyo Nacamleeyaal badan oo Jaafaa-Jiliq ah ayaa shirkaasi ka soo muuqatey, hadalo u badnaa Midnimada dadkii halkaasi ku kulmay ayaa laga soo jeediyay, wallow hadallada qaarkood aan lagu Farxin.

Inkasta oo uu shirkaasi xoogganaa ayaa haddana waxa uu u ekaa mid Qabyo ah, maxaa yeelay waxaa ka maqnaa Wasiiraddii dadka shirayay, kuwaasi oo la xaqiijiyay inaaney ku qanacasaneyn qabashada shrkaasi iyo qaabka loo abaabulay.

Hubaashii khudbaddaha laga jeediyay oo qaarkood ay carro ka muuqatey ayaa misana gaba-gabadii shirkaasi waxaa laga soo saarey War Murtiyeed loo dhigay si Nabaddoonnimo ah, qoddobada war murtiyeedkaasi ayaa qaboojiyay cabsidii laga qabay in shirkaasi ay ka soo baxaan Go’aanno ad-adag.

Ugub ma aha shirrarka noocaan oo kale ah, horey ayaa loo soo qabtay shirrar midkaan la mid ah, hase yeeshee Taariikh ahaan shirkaan ayaa noqday midkii ugu Saameynta badnaa ee muddooyinkaan dambe ka dhaca dalka gudahiisa.

Fasiraad kala duwan ayaa laga bixiyay Sababaha loo hadal hayo shirkaasi! qaar ka mid aha bulshada Soomaaliyeed ayaa kuu sheegaya sabbatu inay tahay Cabsi laga qabo Ummadda shirtay, halka kuwo kalana ay kula wadaagayaan inay nasiib darro tahay in Dawladdnimadii laga jecleysto Qabiil!

Ra’yi ururin la sameeyay ayaa tilmaamaysa in shirkaasi uu ahaa shir Soomaaliyeed loona baahan yahay inaan la shareysan, ma xuma in la wada tashto , waxna la iska weydiio Masiirka ummad kasta ay leedahay, maadaama ay dadku xaq Dastuuri ah u leeyihiin inay Aayahooda ka wada tashan karaan.

Ruug-caddayaal isugu jira siyaasiyiin, Aqoonyahanno iyo waxgarad badan oo Soomaaliyeed ayaa laga soo xigtay inuu shirkaasi ahaa “Bilowga Soomaalida Cusub” iyaga oo dhinaca kale soo jeediyay in mar walba la illaaliyo Xasiloonida iyo Dawladdnimada Soomaaliya.

Shiiqaalow Xassan