Madasha Dhalinyarada Walaalaha Xaafada Buur-Hindi Oo Deeq Gudoonsiiyey Qoys Danyar ah.

Madasha dhalinyarada dalka iyo dibada ee degmada warta nabada gaar ahaan xaafada buur hindi ayaa dadaalo ay sameeyeen kadib deeq raashin iyo mooto bachaach ah gudoonsiiyey qoys danyar ah oo agoonley ah si ay nolol maalmeedkooda uga helaan .
xarunta aadan cade university ee xaafada buur-hindi ee degmada warta nabada ayaa munaasabad lagu qabtay waxaa deeq bil raashin iyo moto bachachka ah ee la gudoonsiiyey qoys danyar ah oo si weyn ugu baahnaa gacan waxtarta.

Axmed manaystaro ,mire cismaan wardheere ,maxamed xaashi, Eng afrax ,xaaji cawad iyo cabdi leex leex oo kamid ahaa waxgaradka xaafada buur-hindi ayaa si weyn u amaanay dhalinyarada ku midowday barnaamijkan tabarucaadka ah oo ay horena wax badan u qabteen.

Sidoo kale waxaa halkaasi hadal ka jeediyey isku xiraha dhalinta madasha xaafada buur-hindi liibaan shire cali oo si kooban carabka ugu dhuftay ahmiyada ay u leedahay qoyskan deeqdan ka kooban mooto bachaachka iyo bisha raashinka ah oo uu tilmaamay inay isku duubnidu tahay mid aakhiro aduunba hormarisa bulshada.

Madasha dhalinta xaafada buur-hindi ee khayr qabe ayaa la aas aasay 2018 kii bishii dicembar waxaana gudoomiye u ah muraadi Xaaji Cabdullaahi (Garaadka) gudoomiye ku xigeena waxaa u ah tahay marwo Khadiijo Maxamed Cali Kaar xoghayaha guud ee madasha cilmi warsame lugo-god , iyo afhayeenka madasha Jamaal cabdi xasan iyadoo ay madasha dhalintani balan qaadeen inay sadexdii biloodba qoys danyar ah caawin doonaan.