Maamulka Jubbaland oo Ciidamo geeyay degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamo kuwa daraawishta ah u direen Magaaladda Beledxaawo ee Gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya.

War ka soo baxay Maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in Ciidamo hubaysan oo ka baxay Dhooblay ay ku biireen Ciidanka Darawiishta Jubbaland ee ku sugan duleedka Magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Hay’adaha amaanka Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamadan ay Xasilooni iyo daganaansho kusoo dabaali doonan deegaanadan oo maalmahii lasoo dhaafay ay ka jirtay rabshado iyo falal amaanka lid ku ah sida ay sheegeen.

Ciidanka oo ka baxay magaalada Dhoobley ayaa sii maray deegaannada Diif, Gariiley, Ceel-Waaq kadibna waxay si nabad ah ku gaareen degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo si ay ugu biiraan ciidanka daraawiishta Jubbaland ee ku sugan gobolka Gedo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaaladda Dhoobley ee Gobolka Jubba hoose,halkaas oo uu waday abaabul uu ku sameeynayay Ciidanka amaanka Maamulkaasi.

Dhanka kale Gobolka Gedo ayaa waxaa intiisa badan ku sugan Ciidanka Dowlada Faderaalka Soomaaliya oo dhawaan halkaasi lageeyay.