Khatarta cudurka halista ah ee Crona Virus oo ku faafaya dalalka caalamka

Cudurka halista ah ee Crona Virus oo markiisii ugu horeysay ka dillaacay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa iminka ku sii baahaya dalalka caalamka, gaar ahaan dalalka deriska la ah dalweynaha Shiinaha, waxaana sii kordhaya dadka uu soo ridanayo ee ku sugan Aasiya, Amerika, Yurub iyo Afrika.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegaya in cudurka Crona Virus dadka uu ku dhacay tiradoodu gaareyso 833-qof, iyadoo 7-qof ay maanta ku geeriyoodeen cudurkaasi dartiis.

Dalalka Iiraan, Ciraaq, Baxreyn, Kuwit, Talyaaniga iyo dalal kale oo ka tirsan qaaradda Afrika ayaa laga helay dad qaba cudurka Crona Virus, kaddib markii muwaadiniin u dhashay dalalka caalamka laga daadgureeyay magaalada Wuhan oo ah halkii uu ka dillaacay cudurkaasi.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay xirtay xadka ay la wadaagto dalka Iiraan oo 7-qof ugu geeriyoodeen cudurka Crona Virus, iyadoo heegan la geliyay hay’adaha ka shaqeeya caafimaadka iyo dhaqaatiirta dalkaasi.

Wasiir ku xigeenka caafimaadka dowladda Iiraan Mr. Heriji ayaa la dhigay isbitaal ku yaala magaalada Tehran ee caasimadda dalkaasi kaddib markii uu ku dhacay cudurka Crona Virus, iyadoo muddo 24-saac kahorna isla magaalada Tehran ku qabtay shir jaraa’id kaasi oo uu uga hadlayay khatarta caabuqa Crona Virus isla markaana shacabka dalkaasi ku gubaabinayay inay ka qeyb qaataan sidii looga hortegi lahaa faafitaankiisa.

Muwaadiniin u dhashay dalka Talyaaniga ayaa laga helay kiisas cudurka Crona Virus, iyadoo dowladdu hirgelisay goobo lagu karantiilo dadka qaba cudurkaasi, waxayna dowladda Talyaaniga joojisay gebi ahaanba inay dadka isugu yimaadaan goobaha fagaarayaasha sida Iskuulada, Isbartiibooyinka, Shineemooyinka, kaniisadaha iyo meelaha ay bulshada ku badan tahay.

Dhinaca kale caabuqa Crona Virus ayaa ku baahaya guud ahaan dalalka ku yaala shanta qaaradood ee adduunka, iyadoo dalal hor leh laga helay qaba cudurkaasi, kaddib markii dowladaha dalalka Yurub intooda badan ay soo saareen digniino ku saabsan inay dadweynaha isugu yimaadaan fagaarayaasha, waxaana markii ugu horeysay albaabada la isugu dhuftay qaar ka mid ah goobaha waxbarashada sida Iskuulada iyo Jaamacadaha.

Cudurka halista ah ee Crona Virus oo ilaa iyo iminka aan la helin dawooyinka looga hortago marka laga reebo talooyinka khubarada caafimaadka ee ah in qofka aanu weli ku dhicin xirto maaskarada afka iyo sanka lagu xirto ayaa durba saameyn ku yeeshay dhaqaalaha dalka Shiinaha iyo dalalka caalamka oo hoos u dhac ku yimid kobaca waxsoosaarkooda dhinaca teknolojiyada kaddib markii hakad ku yimid duulimaadyadii dhinaca hawada ee isaga kala gooshayay qaarada wadamada caalamka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan weli ku guuleysan inay dalka Shiinaha ka soo daadgureyso muwaadiniinteeda xilli wadamada caalamka intooda badan ay dadkooda kala soo baxeen dalkaasi Shiinaha, inkasta oo garoomada dalka ka bilowday olole lagula soconayo caafimaadka dadka dalka soo gelaya isla markaana looga hortegayo in dad qaba cudurka Crona dalka yimaadaan.