Dowladda Sacuudiga oo si KMG ah u Joojisay Waqtiga Cumrada Sababo la Xiriira Cudurka Corona.

Dawladda Sucuudiga ayaa waabergii maanta oo khamiis ah waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay si ku meel gaar ah u joojisay waqtiga cimrada ee sanadkan ay bulshada islaamku ku iman lahaayeen Sucuudiga.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa bayaan ay soo saartay waxay ku caddaysay kadib markii madaxda sare ee dalka Sucuudigu ay maalmihii la soo dhaafay shirar is daba jooga ka yeesheen sidii ay dawladda Sucuudigu uga hor tagi cudurka khatarta ah ee Corona Virus.

Boqortooyada Sacuudigu waxay xaqiijisay in go’aankani uu saamayn adag ku yeelanayo dadka ajaanibta ah ee ka imanaya dalka dibaddiisa, sidoo kale waxay intaa ku dartay in muwaadiniinta Sucuudiga laftoodu aysan si toos ah u tagi karin Cumrada ilaa laga hubiyo caafimaadkooda.